|    Register
 
Monday, September 06, 2010
Article Details
Wakiilka Zone 4 ee Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo bogaadiyay qaabkii Doorashadii XSKC

Maxamed Muuse Cabdi Jabroos oo ah Wakiilka Zone 4 ayaa wuxuu hambalyo iyo bogaadin u diray Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, isagoo si gaar ah ugu hambalyeeyay qaabkii ay u dhacday Doorashadii Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta.

“Anigoo ah Maxamed Muuse Cabdi "Jabroos" oo ku hadlaya magaca Zone 4 ee ka kooban J/Hoose, J/Dhexe iyo Sh/Hoose, waxaan u hambalyaynayaa Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta oo qaaday tallaabo taariikhi ah, kadib markii uu Xiriirka Kubadda Cagta ku baahiyay gobollada dalka, si uu ulajaan qaado Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed oo hore ugu baahiyay gobollada 4ta Zone” ayuu yiri Maxamed Muuse Cabdi Jabroos oo dhanka kale hambalyo gaar ah u diray Xubnaha cusub ee Gobollada dalka uga soo biiray Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, “Xubnahaas waxaan ka xusi karaa Saciid Cabdalla Maxamed (Saciid Cabdallow) oo Zone 1aad wakiil uga ah Xiriirka K/Cagta Gobollada Jubbada Hoose, Jubadda Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.

 

“Haddaba Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, waxaan u rajaynayaa in Eebbe u fududeeyo howsha ballaan ee ay dharabka u riteen, xiriirrada kalena waxaan filayaa in ay iyagana ku dhaqaaqaan waddada cusub ee Xiriirka Kubadda Cagta u billaabay, si ciyaaraha dalka loogu baahiyo dhammaan gobollada dalka, waana tallaabo ku dayasho mudan”ayuu hadalkiisa ku sii daray Maxamed Muuse Cabdi Jabroos

 

Sabriye


Written By: Mohamud
Date Posted: 7/23/2010
Number of Views: 241

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use