|    Register
 
Monday, September 06, 2010
Article Details
Ururwaynaha SSAUK oo ay taageero u fidiyeen ururo ka dhisan galbeedka London.

Waxaa habeenimadii khamiistii aynu soo gudbnay lagu qabtay restaurant ka Edman eek u yaala galbeedka magaalada London shir wada tashi iyo heshiis wax wada qabsi oo u dhexeeyey ururka SSAUK iyo ururo kale oo ka dhisan galbeedka London ayna maamulaan qaar ka tirsan bahwaynta sport ga gaar ahaan macalimiintii iyo cayaartoydii hore.

Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen ururada Talo Information Centre iyo Acton Vale Somali community Centre ayaa waxaa ka soo qaybgalay marka laga reebo madaxda ururka SSAUK iyo labadan urur madax kale oo ka kala socotay ururo dawli ah oo ka shaqeeya arimaha Soomaalida ku dhaqan galbeedka magaalada London kuwaasoo kala tashanayey ururadan soomaaliyeed sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen tartanka kubadda cagta ah oo ururwaynaha SSAUK ku qaban doono xaafaddaasi dhamaadka bisha July.

 

Ugu horeyntiiba waxaa xafladda hadalo soo dhawayn iyo isbaridba isugu jiray ka soo jeediyey macalinkii hore ee xulkii kubadda kolayga soomaaliyeed Xasan Maxamed faarax (John Gaab) wuxuuna uga mahadceliyey Muuse Cali oo ka mid ahaan jiray cayaartoydii kubadda cagta dalkeena ahna madaxa ururka Talo iyo Macalinkii hore ee xulka gabdhaha kubadda kolayga Soomaaliyeed C/Raxmaan Guhaad (Shiino Guhaad) casuumaddan ay u fidiyeen walaalahooda kale ee Sport ga taasoo dhiirigelinaysa dadaalka ay bahdani ugu jirto sidii ay isugu xirmi lahaayeen isla markaana kaalin muhiim ah uga geli lahaayeen sare u qaadida sport ga dhalinyarada soomaaliyeed ee qurbaha iyo waliba dalka gudihiisaba.

cash4.JPG

 

Macalinka ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Steve iyo Javal oo ayagu ka kala socday ururada Acton Community Forum iyo Southall Community Alliance sida ay had iyo goor ugu taagan yihiin gacansiinta ururada soomaaliyeed ee ayagu ka shaqeeya arimaha jaaliyaddan wuxuuna sidoo kale uga mahadceliyey taageerada ay u muujinayaan tartankan Somali Football festival oo la filayo in uu ka dhaco galbeedka magaaladan London.

cash3.JPG 

Guddoomiye ku xigeenka ururka SSAUK mudane Maxamed Ismaaciil Cali oo asaguna ka hadlay halkaasi ayaa uga mahadceliyey asxaabtooda kale ee sport ga martiqaadkooda iyo taageerada ay u muujiyeen walaalahooda xiligan adag. Maxamed Ismaaciil ayaa dhinaca kale ka hadlay xiriirkii ka dhexayn jiray bahda sport ga dhinacyadiisa kala duwan loona baahan yahay in xiriirkaasi laga shaqeeyo sidii loo soo celin lahaa si ay hal meel uga soo wada jeestaan sare u qaadida sport ga dalkeena.

 

Madaxa ururka Acton Community Forum mudane Steve ayaa asaguna hadalo gaaban ka soo jeediyey xafladdaasi asagoo marka hore uga mahaceliyey asxaabtiisa Muuse Cali iyo Shiino Guhaad sida ay u soo abaabuleen xafladdan casho sharafta ah ee  qiimaha leh sidoo kalena uga mahadceliyey ururka SSAUK dadaalka ay ugu jiraan sare u qaadida sport ga gaar ahaan tartanka ay kulaylahan ku qabanayaan xaafadaha uu kala shaqeeyo soomaalida wuxuuna u balan qaaday ururkan in asaga iyo saaxiibkiisa kaleba ay kala shaqayn doonaan sidii uu tartankani u noqon lahaa mid guulaysta.

cash12.JPG

 

Madaxa ururka Talo information Centre Muuse Cali oo asagu ka mid ah cayaartoydii hore ee kubadda cagta isla markaana taageersan ururwaynahan SSAUK ahaana shaqsigii asagu lahaa fikirka cashadan ayaa asaguna balan qaaday in uu hiil iyo hooba la garab taagan yahay ururkan iyo waliba tartankan wuxuuna ku amaanay asxaabtiisa midnimada ay muujiyeen iyo sida ay ugu hawlan yihiin in ay bahda sport ga meel isugu keenaan.

 

Macalin C/Raxmaan Guhaad (Shiino) oo asagu ahaa lafdhabartii cashada ayaa ugu dambayntii sharaxaad dheer ka bixiyey qaabkii iyo xiriirkii ka dhexayn jiray bahda sport ga noocyadiisa kala duwan gaar ahaa kubadda cagta iyo kolayga wuxuuna sheegay in ay ayagu kubadda kolayga ahaan ku bixiyeen juhdi iyo dadaal badan sidii ay u midayn lahaayeen waxqabadkooda taasoo lagu guulaystay inkastoo ay jireen khilaafyo fikradeed hadana uu ku faraxsan yahay dadaalka ay wadaan ururkan uuna si cad u taageersan yahay waxqabadkooda soona dhawaynayo isla markaana kala qaybqaadan doono intii awoodiisa ah.

cash9.JPG

 

Macalin Shiino ayaa dhinaca kale bahdan SSAUK kula dardaarmay in ay had iyo goor badiyaan wada tashiga iyo isdhaafsiga fikradaha ayna ka shaqeeyaan sidii bahda sport ga ee magaaladan ugu horeyn ka dibna UK u midayn lahaayeen ayagoo tixraacaya qaabka wada tashiga ah wuxuuna dhinaciisa sheegay in uu ku taageeri doono sidii loo horgelin lahaa midnimadaasi isla markaana ay cayaartoydii iyo macalimiintii hore ee dalku kaalinta ay mudan yihiin uga geli lahaayeen sport ga dalka.

 

Ugu dambayntii macalin shiino oo asagu ku hadlayey magaca ururada Talo, AVSC iyo asxaabtooda acton Forum iyo Southall alliance ayaa halkaasi ka caddeeyey taageerada ay ururadani ka gaysan doonaan tartankan kuwaasoo isugu jiray mudada uu socdo tartanka iyo waliba gabagbada tartanka gaar ahaan xafladda xiritaanka tartankan oo ay qaybta ugu wayn ka qaadan doonaan ururadan iyo waliba biladaha iyo hadiyadaha kale ee la guddoonsiin doono cayaartoyda taasoo ay si aad ah u soo dhaweeyeen dadkii halkaasi joogay oo ayagu dhegaha u taagayey in ay maqlaan hadalkaasi.

cash6.JPG

 

Macalinka ayaa sidoo kale sheegay in ay dhinaca garoonkana taageero xoog leh ka gaysan doonaan gaar ahaan in ay keeni doonaan gargaarka degdega ah (Ambulance) kaasoo diyaar ku ahaan doona garoonka maalin kasta mudada uu tartankani socdo si loo yareeyo isla markaana looga hortago dhibaatada cayaartoyda gaar ahaan dhaawaca ka dib.

 

Intaasi ka dib ayaa markii la casheeyey ka dib waxaa warbix gaaban oo ku saabsan heerka uu marayo qabanqaabada tartankan asaguna ka soo jeediyey madaxa guddiga farsamada tartankan Maxamed Cali Weerow kaasoo sheegay in uu heer wanaagsan marayo uuna ku faraxsan yahay in caawa halkan laga soo jeediyo taageero runtii waxbadan ka tari doonta niyadda guddiga qabanqaabada iyo ururkanba guud ahaan.

cash11.JPG 

Waxaa asaguna hadalo guubaabo iyo fikrado ahba ka soo jeediyey halkaasi Maxamaed Maxamuud (Afwayne) oo ku hadlayey magaca ganacsatada taageersan ururwaynahan kaasoo amaan iyo bogaadin ka dib asaguna balanqaaday in uu kaalintiisa buuxin doono, waxaa sidoo kale dadkii halkaasi ka hadlay ka mid ahaa guddoomiye kuxigeenka ururkan C/Qaadir Maxamed Faarax (Biriq), xoghayaha Maxamuud Ismaaciil, Maxamed Axmed Daysane, Sakariya Maxamed Baliile, C/Raxiin Cali diiriye, Cabdinuur Cali Rouble, Maxamed Faaqid, Axmed Bile, C/Xakiin Dheere iyo akhyaar kale.

cash8.JPG 

Waxaa sidoo kale cashadan marti ku ahaa weriyaha caanka ah ee BBC da qaybteeda soomaalida C/Raxmaan Koronto oo asagu horey u ahaa cayaartoy kubadda tennis ka dheer isla garsoore ka noqday cayaartaasi iyo waliba kubadda cagta kaasoo ay bahda ururkani u fidiyeen martiqaad ku aadan ka soo qaybgalka tartanka Somali football festival ee dhamaadka bisha July ka furmi doona garoonka Linford Christie balanqaadkaas oo uu asaguna soo dhaweeyey kana aqbalay in uu kala soo qaybgali doona haddii alaha awooda lihi ogolaado.

cash5.JPG 

cash7.JPG

cash2.JPG


Written By: Mohamud
Date Posted: 6/24/2010
Number of Views: 1109

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use