Cayaartan oo aad loo hadal hayey ayaa waxaa aad loo saadaalinayey in horyaalka qaramada qaaradda Yurub, Spain oo 48 dii cayaarood ee ugu dambeeyey laga adkaaday hal cayaar oo kaliya ay xulka Switzerland si fudud ku gudbi doonto balse inkastoo ay cayaarta inteeda badan ayagu kubadda haysashadeeda ku badnaayeen ay aad ugu adkaatay sidii ay ku gudbi lahaayeen darbigii daafaca ahaa ee ay dhigteen reer Switzerland.
kubad uu soo laaday goolhayaha Switzerland ayaa waxay u gudubtay xerada ganaaxa ee Spain taasoo iskudhac dhac badan ka dib uu cayaaryahankii hore ee kooxda manchester City Fernandes ugu dambayntii la helay kubadda shabaqa xulka Spain taasoo naxdin iyo amakaag ku noqotay cayaartoyda Spain iyo taageerayaashoodiiba maadaama ay aad ugu gacan sareeyeen cayaarta.
Weeraro badan oo isdaba joog ah, isbadal badan oo uu sameeyey macalinka Spain Del Posque ayaan u suuragelin xulka Spain in ay xataa hal dhibic ka helaan cayaartan waxaana muuqata in xulka Spain looga fadhiyo in uu goolal fiican ku adkaado cayaaraha labada ee u harsan si uu ugu soo gudbo wareega xiga ee kala reebtada taasoo haddii ay ku soo baxaan kaalinta labaad ee group kan H ay foodda dari doonaan xulka Brazil oo u muuqda in uu kaalinta koowaad ku soo baxo group ka G.
Macalinka xulka Switzerland Ottmar Hitzfeld ayaa guushan ku tilmaamay mid taariikhi ah kuna amaanay cayaartoydiisa dadaalka iyo sida ay u qaateen qaab cayaareedkii uu u dejiyey in ay uga hortagaan Spain.
cayaartii kale ee groupkan ayey xulka dalka Chili 1-0 uga adkaadeen xulka Honduras oo cayaartooda labaad maalinta isniinta ah ee foodda inagu soo haysa uga hortagi doona xulka Spain oo caraysan.