|    Register
 
Monday, September 06, 2010
Article Details
Brazil oo dirqi ku gudubtay waqooyiga Kuuriya iyo cayaarihii kale ee shalay.

Xulka qaranka dalka Brazil oo ayagu horey koobka adduunka ugu guulaystay shan goor ayaa shalay cayaartoodii ugu horeysay ee tartanka koobka adduunka 2010 ka si dirqi ah ku gudbay xulka dalka waqooyiga Kuuriya oo ayagu shalay muujiyey cayaar aan laga filaynin inkastoo aan wax badan laga aqoon ka hor intii aysan imaan tartankan.

Brazil ayaa goolkii ugu horeeyey heshay daqiiqaddii 55 aad ee cayaarta inkastoo uu goolkaasi ahaa gool aad u qurux badnaa hadana waxaa dad badani shaki ka muujiyeen in uu cayaaryahanka daafaca uga cayaara Brazil ee Maicon oo asagu dhaliyey goolkaasi ay ulajeedadiisu ahayd markii uu kubadda soo laadayey in uu goolka dhaliyo maadaama ay u ekayd in uu karoosi rabay.

Goolkii labaad oo ahaa gool si wanaagsan looga soo shaqeeyey ayey xulka Brazil heleen 18 daqiiqadood ka hor dhamaadkii cayaarta kaasoo uu u saxiixay cayaryahan Elano ka dib markii uu baas fiican ka helay weeraryahan Robinho.

Waqooyiga Kuuriya ayaan ayagu qalqal badan gelin goolhayaha xulka Brazil balse waxay jilbaha dhulka u dhigeen weerarka Brazil ka dib markii ay gudbi waayeen darbigii ay u dhigeen taasoo shaki badan gelisay dadkii ayagu is lahaa Brazil koobkan ayey qaadi doontaa, waxaana la iswaydiinayaa haddii daafacii waqooyiga Kuuriya uu haysan lahaa weerar rogaalcelis ah maxaa ka dhici lahaa cayaartan?

Si kastaba ha ahaatee xulka Brazil guushan shalay waxa ay ahayd mid uu u qalmay maadaama ay inta badan cayaarta ayagu ahaayeen weerarka isla markaana haysashada kubadda ay aad uga badnaayeen Kuuriyada Waqooyi.

Ka hor cayaartan ayaa waxaa la cayaaraya laba cayaarood kuwaasoo labaduba ku dhamaaday barbardhac.

Xulalka Newzealand iyo Slovakia ayaa barbardhac 1-1 ah isla dhaafi waayey halka ay xulalka Portugal iyo Ivory Coast ay ayaguna 0-0 ku kala baxeen taasoo ka dhigaysa group kan mid sii adkaanaya.

 


Written By: Mohamud
Date Posted: 6/16/2010
Number of Views: 151

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use