Xulka dalka ingiriiska ayaa intii badnayd cayaarta ayagu gacanta ku hayey gaar ahaan qaybtii dambe ee cayaartan balse ay u suurageli waysay in ay qaybta ugu dambaysa ee goolka USA gaarsiiyaan kubadda ama ku simaan gooldhaliyahooda sida aadka ah looga cabsida qabay ee Wayne Rooney.
Xulka dalka Maraykanka oo asagu ah xul aan si fudud lagu gudbi karin ayaa xeelad ahaan ku soo talagalay in ay ka caraysiiyaan cayaartoyda Ingiriiska ayagoo dareensanaa in inta cayaartu sii socotaba carada cayaartoyda xulka Ingiriisku sii badanayo isla markaana ay ayaga u fududaan doonto in weerar celis ku qaadaan inkastoo taasi aysan u suuragelin.
Dhinaca cayaartoyda dalka Ingiriiska oo aan ayagu caawa abuurin fursado badan oo gool lagu dhalin karin marka laga reebo fursad uu helay weeraryahan Emily Heskey iyo mid kale oo uu asagu gool ku dhalin karay cayaaryahanka baalka bidix uga cayaarayey ee Lenon ayaa waxaa la filayaa in ay eedaymo badan kala kulmi doonaan taageerayaasha dalkooda oo qaarkoodba laga maqlayey garoonka ayagoo ku orinaya cayaartoyda xulkooda.
Macalinka xulka dalka Ingiriiska ayaa go'aansaday in uu goolka xulkiisa ku aamino goolhayaha aan khibradda badan lahayn ee kooxda West Ham Green, ayadoo uu kursiga kaydkana u fadhiyo goolhayaha kooxda Portsmouth David James oo asagu khibrad badan u leh cayaaraha caalamiga ah inkastoo diyaargarawgiisa shaki badan laga muujiyey.
Xulka dalka Ingiriiska ayaa waxaa maanta dhinaca kalena ka dhaawacmay daafaca kooxda Tottenham ee Ledley King kaasoo dhaawaciisa uu isla caawaba shaaciyey macalinka xulka in uusan u safan doonin cayaarta ay maalinimada Jimcaha la yeelan doonaan xulka dalka Algeria.
Cayaarta kale ee group kan C da ayaa berrito dhexmari doonta xulalka dalalka Slovenia iyo Algeria.