|    Register
 
Monday, September 06, 2010
Article Details
Xuseen (Riiko) iyo wararkii ugu dambeeyey ee cayaaraha adduunka.

Suxufiyiin Lagu Dhacay Dalka koonfur Afrika. 
Iyadoo ay maalmo yar ka harsanyihiin Furitaanka Ciyaaraha Adduunka oo sanadkaan lagu qaban doono markii ugu horeysay Qaadarad Afrika ayaa waxaa soo baxaya warar ah wali inay jiraan dhibatooyinkii iyo tacadiyadii lagula kacayay Suxufiyiinta iyo Ciyaartooyda ku sugan Dalka Koonfur Afrika.


Warbaahinta koonfur Afrika ayaa maanta shaacisay in Suxufiyiin u dhalatay Dalalka Spain iyo Portugal fal dhac ah loogu geystay gudaha Hotel u dhow halka ay tababarka ku sameenayaan Ciyaatooyda Dalka Portugal ee Magaalada Johennsburg.

Waraka ayaa intaasi waxey ku darayaan in ugu yaraan labo qof oo hubeysan ay usoo dhaceyn Hotelka ay ku sugnaayeen Suxufiyiinta,iyagoona ka ka qaatay qalabkii saxaafada,baasabooradii,waraaqo aqoonsi ah iyo lacago badan,iyadoona ay burcadii usoo dhacday hotelka ay si nabad ah u baxsadeyn.

Afhayeen u hadlay Police-ka Johannsburg ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeyn mid ka mid ragii u dhacay Hotelkam xilli uu ku sugnaa Magaalada dhaxdeeda,isagoona xusay inay haatan baadi goob ugu jiraan kii kale iyo qalabkii laga xaday Wariyaasha.

Wararka ku saabsan dilalka iyo dhaca ayaa wali ah kuwa ka soconaya Dalka Koonfur Afrikaxilli ay maalmo yar ka harsanyhiin furitaanka Koobka Adduunka.
 
Xarunta Ay Tababarka Ku Qaadanayeen xulka Greece Oo Lagu Kala Cararay.
 
Waxey u muuqataa in Koobka Adduunka sanadkaani uu noqon doono mid ay ka buuxaan waxyaabo badan oo dadka ka yaabiya, kuwaasoo noqon doono kuwa xiiso leh iyo kuwa naxdin wata.

Ka dib musalsaladii dhawaac ahaa ee soo garayay Ciyaartoyda caanka ah ee ka qayb galaya Koobka Adduunka ayaa waxaa haddane soo baxaya warar ku sabsan inay jirto amaan dari aad u xoogan Xilli ay hal maalin ka hartay Furitaanka koobka Adduunka.

Wararki ugu dambeeyay ee laga helayo Dalka koonfur Afrika ayaa sheegaya in Xarunta ay tababrka ku sameenayaan Ciyaartooyda Dalka Gariiga ay ka dhacday arin aad u argagax galisay dhamaan Bahweynata Sportiga, ka dib markii la helay cadeymo muujinaya inay xarunta ku xiranyahiin waxyaabaha qarxa,,iyadoona isla markiiba lagu kala cararay goobtii , waxaana durba yimid Ciidamada Amniga koonfur Afrika,kuwasoo sacado badan baaritaan ku hayay Xarunta.

Laakiin sacado baaritaan ka dib Ciidamada Amniga ayaa Tabaraha Xulka Iyo ciyaartooyda Greece u sheegay inuusan sax aheyn warkaasi, isla markaana ay dib ugu laabtaan goobta.

Xulka Greece ayaa ku Group ah Dalalka Korea,Arjentina iyo Nigeria,iyadoona uu ciyaarta furitaanka la balsnanyahy Dalka South korea.
 
 
Xulka Ghana Oo Ka Guuray Hotelkii Uu Ka Daganaa Magaalada Pretoria Ee Dalka koonfur Afrika. 
 
Xulka K/cagta Dalka Ghana ayaa wali baadi goob ugu jira raadinta Hotel munaasib ku ah inta ay joogaan Dalka Koonfur Afrika, iyadoona ay maanta si rasmi ah ugu guureyn Hotelkii ay ka danayaeen Magaalada Pretoria.

Sida uu hora qorshaha u ahaa Xulka Ghana ayaa daganaan laha Nilsprot,laakiin Mas'uliyiinta Wasaarada Sportioga E Dalka Ghana ayaa bishii Febraury dalbatay in Xulka Ghana la dajiyo Hotelka Roode Vallei Ee Magalada Pretoria oo ay haatn ka guureyn

Afhayeen u hadlay Xiriirka Ghana oo lagu magacaabo Randy Abbey ayaa usheega warbaahinta maanta in Xulka ay heystaan dhibaatooyin, taasoo sababtay buu yiri inay raadsadaan Hotel cusub, balse ma uusan cararaabaabin halka ay dhibaatooyinka ka heystaan xulka.

Afhayeenka waxuu cadeeyay in Xulka Ghana ay dalbadeyn is badal ka hor inta aysan ka guurin,laakiin waxuu xusayin lagu guuldareystay fulin rabitaankoodii.

wararka laga helayo Pretoria ayaa sheegaya in Xulka Ghana dageyn hotelka sun City, iyadoona lagu wado inay halkaasi ay daganadaan inata ay jogaan Dalka koonfur Afrika.

Xulka Ghana oo sanadkaan uu ka maqanyahay Ciyaaryahanka Qadka dhaxe Essien ayaa ciyaarta furintaanka koobka Adduunka maalinta Axada ah Magaalada Pretoria kula qaadan doono Dalka Serbia oo ay isku guruub yahiin.

 

Xuseen Maxamed Cabdulle (Riiko)

Cayaaraha-Mogadishu


Written By: Mohamud
Date Posted: 6/9/2010
Number of Views: 304

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use