|    Register
 
Thursday, September 09, 2010
Article Details
Kooxda Babmakkah oo ku guulaysatay koobkii Horyaalka Jeddah.

Taariikhda markey aheyd  28 – 05- -2010, oo ay aheyd maalintii loo balansanaa  ciyaarta kama dambeysta  ama FINAL ka ee tartanka koobka horyaalka ee jaalliyadda soomaaliyeed magaalada Jidda, iayadoo garoonkuna uu ahaa ay buux dhaafiyeen dhamaan bahweynta isboort eek u nool magaalada jidda boqorttoyada sacuudi carabiya.

Hadaba Waxaa garoonkii  soo galey Garsoore Maxamed Aweys iyo labadii kooxood eek u balansanaa Ciyaarta kama dambeysta ah oo kala ah Kooxda Babmakka iyo Kooxda Gololey. Waxaana gacan qaadey dhamaan Ciyaaryahandii waa weynaa ee waagii berisamaadkii wadanka ka ciyaari jirey.

 

Bilowgii ciyaarta labada kooxodka waxaa ka muuqatey firfircooni iyo feejignaan iyadoo markey socotey 10 daqiiqadood wajiga ciyaarta bedelay isla markaana awoodooda la soo baxey naadiga Babmakkah muujiyeyna ciyaar qurux badan oo raali gelisey Martidii iyo dadweynihii usoo daawasho tagey . waxaan u suurto gashey inay 4 gool oo daran doori ah ka dhaliyaan naadiga kale ee ka soo horjeeday, qeybtii hore waxaa lagu kala nasty 4 : 0.

 

Qeybta 2aad ayaa wax xoogaa adadkaan ah muujiyey naadiga gololeey una suurto gashey inay halkaasi ka dhaliyaan gool aad u qurux badan . Ciyaartiina waxey kusoo gabagabowdey 4 : 1 oo ay guushii ku raacdey Naadiga Babmakka lana hoydey koobkii muddo 8 bilood ah loo tartamaayey tirada kooxaha ka qeyb galeyna ay ahaayeen 16 kooxood.

ciy.jpg

 

Waxaana halkaasi koobkii ku gudoonsiiyey ciyaaryahanadii waa weynaa oo waqtigii berismaadkii wadan ka ciyaari jirey eek u nool Magaalada jidda boqortooyada sacuudi carabiya oo uu ugu horeeyo Goolhayihii weynaa sanadihii 70 kii Goolhaye Shariifow iyo sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Md. Cali Nuur oo ah wakiilka Olombikada Soomaaliyeed ee dowladaha carabta iyo khaliijka waxaanan la ilaawi Karin Ciyaaryahan Aweys Siidow (KULUU) oo aad wada taqaanaan, Cali Maxamed Colaad ( Cali Baashi ),  Cali shiiq Cadow, Salaax Baajaabir , Beenboodihii batroolka, Yacquub Axmed Maxamuud, Cali Canbuulo, Siid Cali (Ajka), Nuurow,C/qaadir Yurus, xasan food cade , Maxamed Xaaji, Muxsin Aboor, Mosman, Jamaal Jeesto, Yuusuf shiikhaal iyo  dhamaan gudoomiyeyaasha, tababarayaasha, ciyaartooyda kala duwan iyo dhamaan bahweynta isboorti eek u nool magaalada jidda iyo nawaaxigeeda .

waxaana sidoo kale la siiyey abaal marino fara badan sida : -

1-      Md. C/risaaq Iimaan Xalane-  Guddoomiyaha ugu    wanaagsan

2-      Xasan Cabdi Islow . Tababaraha ugu wanaagsan

3-      Naadi Canaakish One  - Naadiga ugu wanaagsan

4-      Baki C/laahi  -  Ciyaaryahanka Sanadka

5-      Amiinow Xuseen Muudey – Difaaca ugu wanaagsan

6-      Xasan Axmed Jiid  -  Goolhayaha ugu wanaagsan

7-      Murshid Axmed C/laahi  - Khadka dhexe

8-      Iyo Guddoomiye Awees Amiin

 

Diyaariye Muuse Goosaar

 

 


Written By: Mohamud
Date Posted: 5/30/2010
Number of Views: 207

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use