Kaddib markii 90-kii daqiiqo ee ciyaartu ay ku dhammaatay 0-0 la is mari waayay ayaa sida sharcigu yahay waxaa garsoorihii ciyaarta Dennes Batte ee u dhashay wadanka Uganda wuxuu ku daray 30-ka daqiiqo ee dheeraadka ah , hase yeeshee markii 2-daqiiqo oo qura ay socotay ayaa weeraryahanka kooxda APR Chiukepo Msowaya wuxuu gool wadna goys ah ku hubsaday shaqaba kooxda George.
Ciyaartooyda Ethiopia oo goolkaas la wareersan ayaa 2 daqiiqo kaddib qalad ka dhex dhashay difaacooda waxaa mar kale ka faa’iideysay Chiukepo Msowaya, hase ahaatee kubadaas oo birta uga dhacday waxaa ka nasiib u helay Victor Nyirenda oo ciyaarta ka dhigay 2-0.
Kooxda Itoobya waxay heshay fursado aad qaali ah oo suuxin lahaaa 40-kun oo taageerayaasha APR oo uu ku jiro Madaxweyanaha Rwanda Paul Kagame oo soo xaadiray garoonka Amaharo, sababtoo ah ilaa 5 fursadood oo dahab ahaa ayay ka faa’iideysan waayeen intii ciyaartu ay socotay.
APR waa markii 3-aad ee ay tartanka ku guuleysato, waana markii 2-aad ee ay Garoonka Amahaora ee magaaladda Kigali ay ku qaado koobkan.
Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame oo ah shaqsiga kaliya ee bixinayay guud ahaan lacagta ku baxday tartanka lacagtaas oo kor u dhaaftay 1-milyan oo Dollar ayaa koobka gacanta ka saaray kabtanka kooxda APR Patrick Mafisango.
Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
Kigali-Rwanda
fmcble@hotmail.com