Nadal ayaa Federer kaga adkaaday sad gaaraya 6-4, 7-6 (7-5) ,iyadoona uu koobkaan u yahay kiisa 18-aad Ee taariiqda ciyaaryahanka,iyadoona ay tani ka saaciday ciyaaryahanka inuu ku soo laabto booska 2-aad ee qiimeynta Ciyaartoyda tennis-ka dhanka Raga.
Nadal ayaa si weyn ugu faa'ideystay qaladaadkii is xig xigay Ee Federer,taasoo u sahashay Ciyaaryahanka inuu hanto ciyaarta,iyadoona ay ciyaartaan socotay ku dhawaad labo saac iyo toban daqiiqo.
Guushaan ayaa waxey Nadal u aheyd midii 10-aad ee uu ka helo Ciyaaryahanka ay sida weyn u xafiltamaan Ee Federer,halka ay sidoo kale ahyed midii 6-aad,todobadii kulan ee u dambeysay Ee labada ciyaaryahan kulmaan.
Sidoo kale Koobkaan ayaa waxuu Xididgaan da'da yar u yahay koobkii 18-aad ee uu hanto intii uu ku soo guda jiray Ciyaarta Tennis-ka,isagoona labo Guuldaro kala kulmay xididga Roger Federer lagu magacaabo.
"..Tartanku waxuu ahaa mid wanagsan,laakiin aad ayaa ugu xumahay inaan difaacan waayo koobka,Nadal waxuu soo bandhigay xilli ciyaareed wanaagsan,," Roger Federer ayaa sidaas u sheegay warbaahinta ka dib ciyaarta.
Federer ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay tartanka ku soo fool leh Ee Paris ka dhici doono,isagoona xusay inuu aad ugu qanacsanyahay qaab ciyaaredka uu ka soo bandhigay Tartankii Madrid.
L:abadaan ciyaartooy oo ah kuwa ugu sareeya Dhanka Raga ciyaaraha Tennis-ka ayaa waxaa iskugu dambeesay sanadkii hore,markaasoo ay ku kulmeyn finaalka isla tartankaan,iyadoona uu Federer si xarago leh ugu qaaday koobkii Nadal.
Nadal ayaa Record cusub u dhigay Tennis-ka ,ka dib markii uu noqday Ciyaaryahanka kaliya ee hal xilli ciyaareed ku guuleysta sadax tartan oo kala duwan sida Monte Carlo and Rome iyo Midkii Madrid lagu qabtay.
Dhanka kale Gabadha Reer France Aravane Rezai ayaa noqotay mucjisadii sanadkaan ee Ciyaaryaha dhanka haweenka,ka dib markii si lamafilaan ah ay koobkii ugu fara maroogsatay Gabadha loo sadaalinayay koobka Ee Venus Williams,iyadoona kaga badisay 6-2, 7-5.
Xuseen Maxamed Cabdulle "Riiko"
Cayaaraha-Mogadishu