|    Register
 
Monday, September 06, 2010
Article Details
Cayaraaha CECAFA 2010 oo sabtida ka furmaya Magaaladda Kigale ee Rwanda iyo Faarax Blue oo maanta..

Koobka K/cagta ee kooxaha horyaaladda bariga iyo Bartamaha Africa ee CECAFA-Kigami 2010 ayaa sabtida ka billaaban doona garoonka Amahora ee caasimada wadanka Rwanda ee Kigali.

Koobkan oo ay ka qeyb galayaan 12-kooxood oo ka dhisan wadamada bariga iyo bartamaha Africa, marka laga reebo Soomaaliya  iyo kooxda horyaalka wadanka Nigeria ee HEARTLAND ayaa ciyaarta ugu horeya waxay dhex mari doontaa kooxda APR  oo ah horyaalka wdankan Rwanda iyo  Vital’O oo iyana heysata hoyaalka wadankeeda Burundi.

 

Madaxweynaha wadanka Rwanda H. E. Paul Kigami, ayaa si buuxda u maalgalinaya tartanka, wuxuuna bixin doonaa, guud ahaan lacagaha ku baxaya tartanka oo socon doona muddo 15-maalmood ah, iyadoo madaxweyen Kigami uu tartanka si rasmi ah u furi doono.

 

GROUP A                              GROUP B                                           GROUP C                                  

APR (Rwanda)                                       RAYON (Rwanda)                              ATRACO (Rwanda)        

TP MAZEMBE (DRC)                         ST GEORGE (Eth)                SIMBA (Tanzania)

VITAL’O (Burundi)                             HEARTLAND FC (NIG)                      URA (Uganda)

 TELKOM (DJI)                                    MAFUNZO (ZANZI)                          SOFAPAKA (KEN)

 

 

 

Dhinaca kale faaf-reebe xigeenka shabakada www.cayaaraha.com Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue) ayaa maanta gaaray magaaladda Kigale ee wadanka Rwanda, halkaas oo 15-ka bisha ay ka furmi doonaan cayaaraha xiisaha badan ee CEACAFA-Kigami 2010, iyadoo Faarax Blue uu soo tabin doono wixii warar, wareysi, sawirro iyo macluumaad dheeri ah ee la xiriira ciyaarahaas.

 

Kala soco www.cayaaraha.com tartanka CECAFA-Kigame club cup 2010.

 


Written By: Mohamud
Date Posted: 5/13/2010
Number of Views: 301

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use