Tababaraha Brazil Carlos Dunga ayaa sida muuqata ka dhabeeyey go’aankiisii ahaa in aanu u yeerin labada laacib ee kooxda ACMilan oo ay saameeyeen dhaawacyo iyo qaab ciyaareed aan joogto ahayn, xidigii hore ee kooxda Inter Milan, Adriano ayaa sidoo kale safka laga tebey tiiyoo ay jirto inuu mihnadiisii ciyaareed dib uga soo nooleeyey kooxda Flemango oo ka ciyaarta Horyaalka Serie A-da Brazil.
Ilaa 8 laacib oo ka tirsan 23-kan Laacib ayaa ka xoogsada horyaalka Talyaaniga oo noqonaya halka ay xirfadleeyda ugu badani ka ciyaaraan marka loo eego Yurub inteeda kale, waxaana laga xusi karaa gool walaha burjaawiga ah ee kooxda Inter Julio Cesar iyo dhigiisa kooxda Roma Alexander Doni.
Sidoo kale daafacyada Dougles Maicon oo dadabka Midig uga ciyaara kooxda Inter, dambeedka buuxa ee isla Inter Lucio, Juan oo Dambeedka dhexe uga ciyaara kooxda Roma iyo Thiago Silva oo isla booskaasi uga difaac gala Kooxda ACMilan ayay wehliyaan laacibiinta kala ah Felipe Melo oo khadka Dhexe uga ciyaara kooxda Juventus iyo Weerarka xooga weyn ee kooxda Roma Julio Paptista.
Xulka Brazil oo ku tala jira inuu markiisii 6-aad janjalka ku dhego Koobka Aduunka ayaa Wareegiisa kula jira dalalka Ivory Coast, North Korea iyo Portugal.
Xulka la magaacabay ee Brazil ayaa kala ah sidatan:
Goolwalayaasha: Julio Cesar (Inter), Gomes (Tottenham), Doni (Roma);
Daafaca: Maicon (Inter), Daniel Alves (Barcelona), Michel Bastos (Lyon), Gilberto (Cruzeiro), Lucio (Inter), Juan (Roma), Luisao (Benfica), Thiago Silva (Milan),
Khadka Dhexe: Gilberto Silva (Panathinaikos), Felipe Melo (Ju.entus), Josuè (Wolfsburg), Kleberson (Flamengo), Elano (Galatasaray), Ramires (Benfica).
Weerarka: Kakà (Real Madrid), Julio Baptista (Roma), Luis Fabiano (Sevilla), Robinho (Santos), Nilmar (Villarreal), Grafite (Wolfsburg).
Maxamed Xaaji Xuseen Raage
E-mail:-maxaaji@hotmail.com
Gothenburg, Sweden