General Bheki Cele ayaa shirkii Sarkaalada Police-ka Ee ka dhacay Magaalada Cape Town ka sheegay in booqashada Obama ay tahay 50% mid macquul ah, waa hadii Xulka Mareykanka uu soo gaaro wareegayada ugu dambeeya ee tartanka.
".. Waa suurta gal imaanshahiisa (Obama), sidoo kale waa macquul inuusan imaan.." sidaas waxaa sheegay General Cele.
".. waxaan ku duceysaneynaa in xulka Mareykanka uusan usoo baxin Wareega 2-aad, si ay si dhaqse leh ugu laabtaan waddankooda.."
Cele oo ka mid ah saraakiisha ugu sareysa Waddanka South Africa ayaa sheegay inuu xiriir la sameeyay saraakiisha Sirdoonka Waddanka Mareykanka Ee F.B.I, laakiin waxey ii sheegeen buu yiri inysan ogeyn in Obama uu imaan doono South Africa.
Sarkaalka ayaa xusay inay saa'idin doono ilaaladooda haddii uu yimaado Madaxweyne Obama intay socdaan ciyaaraha Adduunka.
Xulka Mareykanak ayaa ku jira qaybta "C" waxaana ku wehliaya wadamada England, Slovenia and Algeria.
Xuseen Maxamed Cabdulle "Riiko"
Cayaaraha-Mogadishu