Shirkaasi isaga ah oo ahaa mid ahmiyad gaar ah ugu fadhiya dalalka Afrika ayaa waxaa looga hadlayay qodobada ay ka mid ahaayeen: Maamulka, Maamul wanaag, sida wax loo dhexdhexaadiyo iyo Autonomy,Good governance,Arbitration iyo Mediation. Waxaana halkaasi casharada ka soo jeediyay Khubaro ka socotay IOC iyo Olympic Solidarity.
Muddadii shirkaasi uu socday waxaa halkaasi si aad ah looga hadlay oo fikrado la isku dhaafsaday sidii loo horumarin lahaa Olimbikada Afrika iyo dhibaatooyinka haysta sidii looga gudbi lahaa.
Waxaa iyaduna si aad ah looga hadlay dhibaatooyinka ay maamulka olombikada ay kala kulmaan dowladaha ay ka tirsan yihiin,taas oo mararka qaarkood dhacda in ay gacanta la soo galaan.
waxaa kalo looga hadlay qaabka ugu wanaagsan ee ay Afrika kaga qeyb qaadan karto cayaaraha Olombikada ee dhalinyarada yar yar ee bartamaha sanadkan lagu qabanayo singaboor.
Waxaa shirkaasi ka soo qeybgalay oo goobjoog ka ahaa oo weliba hadalo aad u qiimo badan ka soo jeediyey gudoomiyaha olombikada Afrika iyo xoghayihiisa.