|    Register
 
Thursday, September 09, 2010
Article Details
Naadiyada Jubba Airways iyo Baab Makah oo u soo gudbay wareega sideeda kooxood.

Ciyaar ka tirasneyd tartanka Koobka Kubbadda ee Horyaalka Jaalliyadda Soomaaliyeed Magaalada Jeddah Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa waxey dhex martey Naadiyada Jubba Airways iyo LLPP.

Ciyaartaasoo ku bilaawatey mid weerar iyo weerar celis ah runtii labada kooxoodna uu diyaar garowgooda aad u wanaagsanaa kuna soo talagaleen inay halkaasi koox waliba ay guul ka gaarto ciyaartaaso maadaama ay labada kooxood midiI laga badiyo ka hareysay usoo bixitaanka wareega sideedaad ee koobka horyaalka Kubbada Cagta Jaalliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Jidda Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

 

Daqiiqadii 13aad ayaa waxaa u suurto gahsey inay goolkooda ugu horeeyay dhaliyaan naadiga Jubba Airways , kuma aysan negaanin  goolkaasi oo 6 daqiiqad ka dib waxaa ka daba yimid oo halkaasi ka dhaliyeen goolakoodii barbar dhaca  ahaa Naadiga LLPP.

 

Ciyaartau waxey socotaba ayaa misna daqiiqaddi 35aad goolkii labaad u suurto inay dhaliyaan naadiga Jubba Airways , iyadoo qeybtii hore lagu kala nasty 2 : 1 oo uu naadiga Jubba Airways uu ku hogaaminaayey .

 

Markii leysugu soo laabtey qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa waxaa dar dar aan horey loo arag la soo baxey naadiga Jubba Airways  isla markaasna jaanta isla helay .

Waxaana u suurto gahsey inay gool saddexaad halkaasi ka dhaliyaan wallow ay fursado badan oo laga filaayey goo lama in ka badan halkaasi isaga limiyeen oo ay ugu weyneyd markii ay heleen rigoore oo halkaasi ka qasaariyey gool haiyihii naadiga Jubbaa Airways Mr. Afey oo is lahaa bal goolkssi taariikhda hakuu gasho laakiinse uu la waayey goolkii oo meel cidlo ah mariyey.

 

Ciyaartiina waxey kusoo gabagabowdey 3 : 1 oo guusha ku raacdey Naadiga Jubba Airways . waxaan dhihi karnaa xiddiga Ciyaartaasi wuxuu ahaa laacibka khadke dhexe ugu ciyaara Naadiga Jubba Airways Muuse Goosaar Jeesow .

Sidoo kale waxaa misna la ilwwi Karin Ciyaaryahan Cusbo , Amiinow, Zakariya,C/risaaq Beesaani iyo Xasan Carab.

 

Sidoo kale tababaraha Kooxda Md. C/risaaq Imman ( JALLA ) oo ciyaartaasi khiadadeedu lahaa kuna guuleystey. Waxaan garsoore ka ahaa Maxame Aweys oo runtii ah garsoorayaasha sida aadka ah loogu jecel yahay habka garsoor kooda .

Ciyaar kale  oo iayana aad u adkeyd waxey dhex martey naadiyada S.fruit iyo Bab Makkah oo laba naadi oo xifaaltin gooni ah ka dhaxeeyo wallow ciyaartoodii shaleyto ay aheyd mid ay ku awood sareysay Naadiga Bab Makkah oo runtii ka mid naadiyada loogu bartey ciyaar wanaag iyo asluub.

 

Yaanan ku sii dheeraanin ciyaarta waxey ku dhamaatey 3 : 1 oo naadiga Bab makkah sidaasi ku xijistey booskoodi wareega sideedaad iyadoo rajada naadiga S.fruit ay ku xiran tahay ciyaarta dhex mari doonta naadiya sharbatle iyo gololeey oo jimcaha soo socda dhex mari doonta.

 

Waxaana Garsoore ciyaartaasi ka ahaa Cali sheikh Cadow (Kampala) , loomana kala maqneyn dhammaan Guddiga Bahda isboortiga ee jaaliyadda Soomaaliyeed Magaalada Jidda Boqortooyada sacuudi Carabiya waxaana ka mid ah:

 

Salaax Camuudi baajaabir ( WAGAD )

Yacquub Axmed Maxamed( Waxool )

Cali Maxamed Colaad (cali Baashi) ( Muqdisho)

Nuur Macow aweys ( NUUROW )

Cali Canbuulo (Badda, Kismaayo ), Maxamed Ceydaruus (Jeenyo)

Sayid Cali ( Ajka ) ( Badda ), iyo Seylac.

 

Naadiyada ilaa hada kooxaha la ogyahay inay usoo baxeen wareega Sideedaad waa sida tan : -

Group A : Banaadir   -  FC Shandi  -  Xiddigaha Kakane  -  iyo Muqdisho .

Grouo B : Baba Makkah - Jubba Air ways , iyadoo la ogaan doono jimcaha soo socda labada kooxood ee ka dhiman Group ka B .

 

 


Written By: Mohamud
Date Posted: 4/24/2010
Number of Views: 249

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use