|    Register
 
Thursday, September 09, 2010
Article Details
Talooyin ku socda maamulada iyo guddoomiyayaasha kooxaha doorta XSK Cagta.

Waxaan la soconaa in dhawaan la filayo in la qabto doorashada XSKC (waa haddii aay xilkooda iyo waajibaadkooda ka soo dhalaalaan Guddiga fulinta XSKC), haddii kalase waxaa laga sugayaa GOS iyo Wasaaradda Sportiga in aay Soomaali u sheegaan waxa aay doorashadu u qabsoomi la’dahay. Waxaa kaloo islamarkiiba  maskaxda inta wax fahamsan ku soo dhacaysa mas’uuliyadda saaran Guddoomiyeyaasha kooxaha oo aan halkaan lagu soo koobi Karin, taasoo aan manta diirada qoraalkeygaan aan saari doono.

Waxaan xasuusanaa haddii aan in yar dib ugu noqono doorashadii afar sano ka hor lagu qabtey magaalada Baydhabo, waxaan xasuusanaa ama aan heynaa wixii laga dhaxley, taasoo dhibkii ugu badnaa uu ku dhacay awalan Kooxihii wax doortey, ka dibna umadda inteeda kale, taasoo mas’uuliyadeeda aay dusha u ridan doonaan Gudoomiyeyaasha kooxaha.

 

Waxaan xog-ogaal u nahay in kooxihii wax doortey afar sano ka hor, in doorashada ka dib aay waayeen xuqooqdoodii ugu yareyd oo aheyd dhaqaalo iyo qalab sport aay ku hormariyaan kooxahooda, waxay waayeen aqoonsigii koox ahaaneed oo laga gooyey xiriirkii, waxaa loo qaban-qaabin waayey cayaaro aay cayaartooyda aay layliyaan ku tijaabiyaan.

 

Waxaan ku soo koobayaa waxay waayeen xuquuqdoodii oo dhan (ogoow haddii kooxdu xaqeedii weysey, waxaa halkaas xaqoodii ku waayey Cayaartooydii oo aan cayaaro loo qaban, oo laga yaabo in aay waqti u helaan waxyaabo aan wanaagsaneyn, garsoorayaashii oo aqoontoodii meel aay ku fuliyaan waayey, taageerayaashii oo cayaaro aay daawadaan waayey iyo Soomaali shaqo ama dhaqaale ka heli laheyd).

 

Waxay ila tahay in kooxuhu gartaan mas’uuliyadda saran, dhibkii ku dhcay afartii sano ee la soo dhaafeyna iyo ka horba aay u noqoto waayo-aragnimo, waxaa kaloon loo tilmaameyn muhiimadda aay leedahay in dadka aay shaqadaan u qorayaan ( waayo Somali oo idil ayey mas’uul uga yihiin in aay u soo xulaan shaqsiyaad ku sifoobeywaxyaabahaan soo socda;  

 

  • Alle- ka- cabsigooda.
  • Daacadnimadooda.
  • Aqoontooda.
  • Waaayo-aragnimadooda.
  • Ogol in lala xisaabtamo.
  • Ogol inuu shaqaale yahay.

 

Waa in iyagoo isku duuban aay diidaan in mid-mid loo kala xodxoto ama la kala qeybiyo amaba loo balan qaado aduunyo.

Sida ugu haboon ee aay ku heli karaan Guddi fulin (Executive committee) oo ka saara dhibka aay ku jiraanna;

Waa iney imtixaan ka qaadaan qofkasta oo codkooda raba, u saaraan guddi horfariista, iyagoo weydiinaya CV, aqoontiisa sport iyo waliba waxa uu ku kordhin karo XSKC iyo wadada uu u marayo.

 

Waxaa kaloo muhiim ah in guddigaas aay weydiiyaan qofka codkooda rabaa, inuu soo hordhigo qorshiiisa horumarineed ee Kubadda cagta oo qoraal ah, ee waqtiga dhaw iyo kan waqtiga dheer.

 

Waxay ila tahay in  indhaha bahweynta Soomaaliyeed ee jecel Kubadda cagta aay idin eegayaan, waa inaad garataan in markaan aan la idinka aqbali doonin inaad doorataan qof aan u qalmin shaqada aad u xuleysaan.

 

Waxaa laga yaabaa in aad wali waqti u heysataan oo aad iska ilaalisaan in aaney markaan wax idinka qaldamin, muujisaan isku duubni iyo inaad isku dan tihiin, Ogaataan inaad wakiil u tihiin bahweynta Soomaliyeed Kubadda Cagta jecel.

 

Wuxuu qoraalkeygaan kooban hordhac u yahay, talooyin badan oo aan filayo in badan oo jecel horumarka Kubadda Cagta Somaliyeed aay idiin soo gudbin doonaan, waxaan kugula doodayaa akhristoow ( I challenge you) in aan fikirkaaga ku soo darto qoraalkaan.

Caqliga iyo maskaxda fayoow haddii la isku geeyo, waxaan isleeyahay waxaa ka soo bixi kara, waxyaabo badan oo dhalinta iyo wadankuba u aayaan.

 

N.B: Qoraalkaan ujeedadiisu waxay tahay oo kaliya sidii loo hormarin lahaa Kubadda cagta Soomaliyeed, cidii si kale u aragtaa waxaan u qadimayaa raaligalin buuxda.

 

Wabillaahi Tawfiiq.

 

 

Mr. Ahmed-nur Hassan Abdulle


Written By: Mohamud
Date Posted: 4/19/2010
Number of Views: 291

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use