Halyeeyo Isboorti oo ku kulmay Doxa –Qatar.
Waxaa bartamahii April 2010 ku kulmay magaalada Doxa ee dalkaasi Qatar halyeeyo isbooti iyo marti sharaf kale oo qiimo ku lahaa isboortiga Soomaaliyeed noocyadiisa kala duwan ha noqoto dhinaca kubadda Cagta, kubadda koleyga iyo Cayaaraha fudud.
Halyeeyada halkaasi ku kulmay oo isugu jiray Macallimiin noocyada isboortiga ee kala duwan, cayaaryahanno heer qaran iyo wufuud kale ayaa waxaa ay kala ahaayeen:
1}Faarax Yuusuf
2)Ali Mohamed
3)Adam Maxamed “Qardhaas
4)Axmed Muuse Xusein
5)Xasan Cafiifi Yaxye
6)Bashiir Yuusuf “B-Fox)
7)Jaamac Karaaciin
8)Mohamed Shiikh
9)Abdullahi H.Godle “Afweyne”
10)Ismaaciil Geedi Santuur
11)Hussein Dheere
12)Yaasiin,Saciid Koosaar,iyo Khaalid oo dhammaantoodaba ka wada tirsan xulka qaranka kubadda koleyga ee Qatar.
Kulamo faro badan oo halkaasi ka dhacay ayaa looga hadlayay horumarinta isboortiga Soomaaliyeed noocyadiisa kala duwan iyo sida ugu wanaagsan ee looga qayb qaadan karo taakulaynta Isboortiga xilligan adag oo dhibaatooyin aad u fara badani ay ka jiraan dalka Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa halkaasi lagu lafo guray baahida loo qabo in isboortiga la gaarsiiyo gobolada dalka lagana faaiidaysto dadka ehelka u ah isboortiga.
Kubadda koleyga iyo cayaaraha fudud ayaa la is tusaaleeyay in la heli karo dhallinyaro Soomaaliyeed oo aad ugu wanaagsan cayaarahaasi, loona baahan yahay in loo sameeyo barnaamijyo horumarineed oo dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba loogu qabto iyada oo la adeegsanayo macallimiinta dibadda iyo gudaha joogta oo aqoonta durugsan u leh isboortiga,loona baahan yahay in la hawl galiyo tababarayaashaasi.
Sidoo kalena dugsiyada dalka gudahiisa iyo kuwa qurbaha laga raadiyo dhallinyarada yaryar ee soo koraysa, laguna bararujiyo isboortiga,kuwaasi oo mustaqbalka laga heli karo dhallinyaro Soomaaliyeed oo magaca qaranka gaarsiiya meel sare.
Dadkii madasha joogay ayaa iyaguna is tusaaleeyay in qurbajoogta ay taageero u fidiyaan isboortiga Soomaaliyeed iyada oo laga duulayo xilliga culus ee uu dalka ku jiro, iyada oo taakulayntaasi la koontaroolayo halka ay ku dambayso, lagana doonayo dadka ka shaqaynaya in gunno loo qoro,laguna koontaroolo waxqabadkooda , iyaguna ay soo gudbiyaan waxqabadkooda “feed Back).
Munaasabaddaasi oo ahayd mid taariikhi ah ayaa ku soo gabagabowday si farxad leh oo qodobadii looga hadlay aad la isugu af gartay.
Written By: Mohamud
Date Posted: 3/8/2010
Number of Views: 733
Return