Casho sharaf loogu hambalyeeynayey waxqabadka Eng Baana oo ka dhacday London.
Waxaa 24 .02 2010 oo ku beegneed maalin arbaca ah loogu sameeyey galbeedka magaaladan casho sharaf aad loo soo agaasimay xoghayaha XSKK Eng Baana Cali, casho sharaaf kaas loogu gol lahaa in loogu hambalyeeyo wax qabadkiisii tan iyo markii uu qabtay xilkaas iyo kamid noqo shada xubinimo ee xiriirada kubadda kolayga ee jaamacada carabta oo ahayd markii ugu horaysay ee ay Soomaaliya ka mid noqoto xubnaha guddi hoosaadyada xiriirka carabta.
Waxaa casho sharaftaas soo agaasimay Cabdulaahi Xasan Wiish iyo Baaba Jeey ayadoo ay sidoo kalena ka soo qaybgaleen casho sharaftaasi dad badan oo magac ku leh sport ga dalka iyo martisharaf kale oo uu ka mid ahaa gudoomiye ku xigeenka GOS Duraan Faarax oo isla markaana ka jeediyey hadalo ku aadanaa wax qabadka xoghayaha asagoo ugu hambalyeey xubinimada cusub ee xiriika kubada kolayga ee jaamacada carabta.
Waxaa kamid ahaa dadkii ka hadlay Ambshitoor Caalim oo waxa badan ku soo jiray maamulka isboortiga halkaana ka jeediyey hadalo guubaabin iyo hambalyeen kuna aadan waxqabadka xoghayaha wuxuuna kula dardaarmay xoghayaha in uu halkiisa ka sii wado dadaalka iyo waxqabadka uguna duceeyey in ilaahay u fududeeyo.
Waxaa kaloo halkaa ayaguna kamid ahaa dad kii kahadlay ciyaaryahanadii ugu cacadaa soomaaliya sida Muriidi Abanuur Abati iyo Baaba Jeylaani oo ka mid ahaa dadkii soo qabanqaabiyey xafladdan waxayna labadooduba mar kale ku amaaneen uguna hambalyeeyeen Eng Bana wax qabadkiisa ayagoo dhinaca kalena taabtay sida ay lama huraanta u tahay in bahwaynta Sport gu ku qiimeeyaan dadka waxqabadkooda balse aan loo eegin siyaabo kale.
Cayaartoydii kale ee magaca ku lahaa dalka ee ka soo qaybgalay xafladdan ayaa waxaan ka xusi karnaa Maxamed ismaaciil , Aabaliisha, Baaba Jeey iyoMmaxamuud dabayare waxaa kaloo marti sharafta kamid ahaa Raage Ciiro iyo Ibraahim Baafo.
Written By: Mohamud
Date Posted: 3/5/2010
Number of Views: 555
Return