|    Register
 
Friday, July 30, 2010
Article Details
Tatankii Horyaalka K.Cagta ee Soomalida Jedah oo Meel Xasaasi ah maraya.

Waxaa welli si rasmi ah ugu socda magaalada Jeddah ee dalka boqortooyada Sacuudi Arabia tartankii koobka horyaalka Jeddah isagoo maraaya qaybihii ugu danbeeyey ee loogu soo bixi lahaa qaybta 8da waxaana kulamadii ugu danbeeyey la ciyaaray jimcihii iyadoo kulankii ugu horeeyey ay wada ciyaareen kooxaha kubadda cagta ee MUQDISHO iyo MARKACADEY.

Cayaartan oo ahayd mid aad u kululeyd waxaa ay bilaabatay 5:00 galabnimo iyadoo uu dhexdhexaadinayey garsoore maxamed aweys ayaa cayaartu ku bilaabatay weerar iyo weerar celis markay cayaartu qadar daqiiqado ah socotay ayaa goolkii ugu horeeyey waxaa u saxiixay kooxda muqdisho cayaaryahan caanka ah ee ZAKARIYE waxaana laga dareemayey labada kooxood cayaar wanaag iyo qaab ciyaareed aad loola dhacay,waxaan lagu kala nastay 1-0.

Qaybta 2aad ee cayaarta markii la isugu soo laabtay oo ay koox waliba tashi iyo dardaaran soo gashay ayaa waxay ku bilaabatay dardar iyadoo kooxda MARKACADEY ay halkaasi goolkii ugu horeeyey ka dhalisay cayaarta ayaa waxay noqotay mid kulul oo ay taageerayaashu salka dhulka dhigi waayeen waxaana loogu itaal sheegtay kooxdii markacey 4-2 oo ay ugu badisay kooxdii muqdisho.

Kulankii 2aad ee tartanka ayaa waxa uu jimcihii dhexmaray kooxaha kubadda cagta ee XIDDIGAHA KAKANE iyo SYL cayaartaas oo aad u kululayd ayaa iyadana waxay ahayd cayaar aad u xiiso gelisay taageerayaasha waxaana qaybtii hore ee cayaarta ku dhamaatay 0-0.
qaybtii labaad ee cayaarta ayaa waxay ku bilaabatay sidoo dardar iyo weerar waxaana goolkii ugu horeeyey kooxda XIDDIGAHA KAKANE u saxiixay cayaaryahayn shiikh nuur oo ah cayaaryahanada ugu cadcad ee tartankan,weeraro jawaab celis ah ka dib waxaa u suurto gashay kooxda SYL inay halkaasi ka saxiixaan goolkii barbar dhaca waxaa ay cayaartii kusoo idlaatay 1-1 waxaana dhexdhexaadinayey garsoore u dhashay sacuudiga.

Sidoo kale todobaadkii hore waxaa wada ciyaarey kooxaha BABMAKKAH iyo IFTIINKA CANAAKISH oo ka wada tirsan guruubka B waxayna ciyaartaas bilaabatay 5 galabnimo,ciyaartaas oo aad u xiiso badnayd ayaa waxay ku bilaabatay weerar iyo weerar celis iyo dardar aad u weyn oo ay labada kooxoodba soo bandhigayeen waxayna qaybta hore ee cayaarta kusoo gebagebowday 1:0 oo ay lahayd kooxda baabmakah.

Qaybta labaad ee cayaarta ayaa waxaan waxba iska badalin qaab ciyaareedkii labada kooxood waxaana laga dheehanayey labada kooxood farsamo iyo isku xirnaan waxaana goolkii 2aad ee kulankaas halkaasi ugu saxeexay cayaaryahan bakri oo ka mid ah cayaaryahanada u sharaxan ciyaaryahanka ugu fiican horyaalkan waxayna cayaartii kusoo gebagebowday 2:0 ay guushii ku raacday kooxdii baabmakah.

Kulankii 2aad ayaa isna waxa uu dhex maray kooxaha somalifruit iyo canaakish1 cayaartaas oo aad u xiiso badnayd ayaa waxay iyadana bilaabatay 5 galabnimo waxayna ahayd cayaar aad u xiiso badnayd qaybta hore ee cayaarta waxay ku soo idlaatay 1:0 oo ay lahayd somalifruit.

Qaybta 2aad ayaa la isugu soo laabtay wada tashi iyo dardaaran ka dib iyadoo labada kooxoodba aaney kala dhicin ayaa waxaa goolkii 2aad halkaasi ka dhaliyey kooxdii somalifruit waxaan u sadexeeyey cayaaryahan UUMAAW oo aad looga yaqaan magaalada jeddah waxaayna ku dhamaatay cayaarta 3:0 oo ay ku badiyeen kooxda somali fruit.

Gebagabadii cayaarta ayaa halkaasi waxaan kula kulanay tababaraha kooxda somali fruit KAPTAN MAXAMED EENOOW waxa uuna sheegay marka hore inuu u mahad celinayo guddiga isbootiga jaaliyadda magaalada jeddah oo uu ku amaanay sida ay ku wadaan maamulka koobkan iyo shaqadooda ,tankale waxa uu yiri waan ku faraxsanahay guusha kooxdayda ay ka gaartay kulanka maanta waxa uuna sheegay in uu aad ugu han weyn yahay in ay kooxdiisu ku guulaysan doonto koobkan horyaalka jeddah insha.allah.

Diyaariye muuse goosaar jeesoow
muusegoosaar@hotmail.com 


Written By: Mohamud
Date Posted: 2/22/2010
Number of Views: 304

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use