Tartankan oo dhici doona maalinimada axadda foodda inagu soo haysa ayaa waxaa ku tartami doona kooxaha Ilamos FC, Wembley United, London Stars iyo koox ayaduna ka imaanaysa magaalada Birmingham ee dalkan UK waxaana sidoo kale daawashada cayaartan ka soo qaybgali doona qaar ka mid ah bahwayntii sport ga dalkeena aad looga yaqaanay gaar ahaan asxaabtii alaha u raxmadee cayaaryahankii hore ee kooxdii Wagad iyo xulkii qaranka Jimcaale Maxamed Xaayow oo dad badan oo ka mid ah bahwaynta sport gu aad ugu xasuustaan garoomadii kubadda cagta ee dalka.
Guddiga qabanqaabada tartankan ayaa inoo sheegay in ay qabashada iyo ka qaybgalka tartankanba kala tashadeen ururwaynaha cayaartoydii hore ee dalka oo dhawaantan lagu aas aasay magaaladan London ayagoo sida ay sheegeen aad u soo dhaweeyey ka qaybgalka tartankan maadaama lagu xasuusanayo xubin ayaga ka mid ahayd oo ka go'day jirkooda ay taageero la garab taagan yihiin dhalinyaradan isku xilsaartay qabashada tartankan.

Guddiga qabanqaabada tartankan oo kala ah Baaba Jeey, Cabdi Xaaji iyo Raage oo dhamaantood xubno ka ah ururwaynha SSAU ayaa dhinaca kale sheegay in ay mustaqbalka joogtayn doonaan tartamada lagu xasuusanayo asxaabtii magaca iyo maamuuska ku lahaa sport ga dalkeena kuwaasoo mudan in la xuso goor waliba.
Guaddiga ayaa ku wargelinaya dhamaan kooxaha in ay waqtiga dhawraan ayagoo dhinaca martida iyo dadwaynaha u soo daawasho tegi doonana sheegay in ay ku soo dhawayn doonaan gacmo furan.
Fadlan kala tel ka kor ku xusan haddii aad u baahan tahay macluumaad dheeri ah.