kulamadii ugu danbeeyey waxay dhex mareen kooxaha BABMAKKAH iyo IFTIINKA CANAAKISH oo ka wada tirsan guruubka B waxayna ciyaartaas bilaabatay 5 galabnimo,ciyaartaas oo aad u xiiso badnayd ayaa waxay ku bilaabatay weerar iyo weerar celis iyo dardar aad u weyn oo ay labada kooxoodba soo bandhigayeen waxayna qaybta hore ee cayaarta kusoo gebagebowday 1:0 oo ay lahayd kooxda baabmakah.
Qaybta labaad ee cayaarta ayaa waxaan waxba iska badalin qaab ciyaareedkii labada kooxood waxaana laga dheehanayey labada kooxood farsamo iyo isku xirnaan waxaana goolkii 2aad ee kulankaas halkaasi ugu saxeexay cayaaryahan bakri oo ka mid ah cayaaryahanada u sharaxan ciyaaryahanka ugu fiican horyaalkan waxayna cayaartii kusoo gebagebowday 2:0 ay guushii ku raacday kooxdii baabmakah.
Kulankii 2aad ayaa isna waxa uu dhex maray kooxaha somalifruit iyo canaakish1 cayaartaas oo aad u xiiso badnayd ayaa waxay iyadana bilaabatay 5 galabnimo waxayna ahayd cayaar aad u xiiso badnayd qaybta hore ee cayaarta waxay ku soo idlaatay 1:0 oo ay lahayd somalifruit.
Qaybta 2aad ayaa la isugu soo laabtay wada tashi iyo dardaaran ka dib iyadoo labada kooxoodba aaney kala dhicin ayaa waxaa goolkii 2aad halkaasi ka dhaliyey kooxdii somalifruit waxaan u sadexeeyey cayaaryahan UUMAAW oo aad looga yaqaan magaalada jeddah waxaayna ku dhamaatay cayaarta 3:0 oo ay ku badiyeen kooxda somali fruit.
Gebagabadii cayaarta ayaa halkaasi waxaan kula kulanay tababaraha kooxda somali fruit KAPTAN MAXAMED EENOOW waxa uuna sheegay marka hore inuu u mahad celinayo guddiga isbootiga jaaliyadda magaalada jeddah oo uu ku amaanay sida ay ku wadaan maamulka koobkan iyo shaqadooda ,tankale waxa uu yiri waan ku faraxsanahay guusha kooxdayda ay ka gaartay kulanka maanta waxa uuna sheegay in uu aad ugu han weyn yahay in ay kooxdiisu ku guulaysan doonto koobkan horyaalka jeddah insha.allah.
Muuse Goosaar
Jeddah-Saudi Arabia