|    Register
 
Friday, July 30, 2010
Article Details
Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun "Tacsi tiiraanyo leh"

Ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyee waxaa shalay magaalada Riyad ee dalka Sacuudiga ku geeriyooday wasiirkii dhalinyarada iyo sport ga ee dalka soomaaliya Salebaan Colaad Rooble oo waayadanba ugu jiray isbitaalkaasi dhaawacii bishi December ee 2009 kii ka soo gaaray qaraxii Hotel Shaamo ee magaalada Mugadishu.

Qaraxaasi lala beegsaday hotel Shamo ee magaalada Muqdisho kal hore ayaa waxaa sidoo kale horey ugu geeriyooday wasiiro kale oo ka tirsan dawladda ku meelgaar ka ah.

Dhamaan warfidiyeenada iyo maamulka shabakaddan cayaaraha.com waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii, eheladii iyo dhamaan bahwaynta sport ga soomaaliyeed geeridan naxdinta leh ee ku timid wasiirkii hore ee sport ga Saleebaan Colaad Rooble.

Marxuum Saleebaan Colaad Rooble ayaa lagu xasuusan doonaa dadaalkii uu ugu jiray sare u qaadida sport ga dalka iyo dhaqdhaqaaqii wanaagsanaa ee uu ka waday gudaha dalka mudadii gaabnayd ee uu hayey xilkan waxa ayna bahwaynta sport ga si gooni ah ugu xasuusan doonaan soo noolayntii kooxihii hore ee dalka iyo sidii uu ugu heelanaa dib usoo noolaynta karaamadii iyo sharaftii cayaartoydii hore ee dalka meel kasta oo ay joogaan.

Haddii alaha awoodda lihi ogolaado qormooyinkeena dambe ayaan si gooni uga hadli doonaa waxqabadkii wasiir Saleebaan ilaahay janadii fardawsa ahayd ha ka waraabiyee.

-------------------------------------------------------------------------------------------

Dhamaan madaxda ururka SSAU oo ay ku midoobeen cayartoydii hore ee dalka qaarkood ayagoo ka tiiraanyeysan geeridan naxdinta leh ee ku timid wasiirkii hore ee dhalinyarada iyo sport ga Saleebaan Colaad Rooble waxa ay tacsi u dirayaan dhamaan qoyskii, eheladii iyo bahda sportga soomaaliyeed waxayna ilaahay uga baryayaan marxuumka in uu janadiisa fardawsa ah ka waraabiyo ayaga iyo dhamaan bahwaynta sport gana uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Waxa ay sidoo kale ilaahay uga baryayaan in uu uga abaalmariyo dadaalkii uu madada gaaban ka muujiyey gudaha iyo dibadda dalka asagoo gudanayey waajibaadkii ka saarnaa xilkiisa taasoo aysan bahda sport gu iloobi doonin.

Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun.

Maxamed Shidane
Gudoomiye SSAU.
---------------------------------------------------------------------------------------------

INA LILAAHI WA INA ILLEY RAJACUUN

Dhammaan Bahweynta Isportiska Somaliyeed ee North West Waxay Tacsiyo u dirayaan eheladdiisa,xaskiisa iyo caruurta uu ka tagay Wasiirka Isportiska DKMS Marxuum Suleebaan Colaad Rooble oo ku geeriyooday dalka sacuudiga 2/12/10 inuu samir iyo iimaan ka siiyo ehelada uu ka geriyooday,marxuumkana jannadul fardowsa inuu illaahey ka waraabiyo AMIIN.

waxaan dirayaan

1- Abdiaziiz m. Guuled (cabdi xalwo) Ashland Organ
2- xasan muuse portland
3- cumar cadde =====
4- xusen dheere seattle
5- c/risaaq ugaas =====
6- xasan abati
7- saciid dheere
8- najiib ciise
9- sucaado diriye
10- c/laaahi cadde
11- cabdi cadde
12- isaaq dheere
13- guuled
14- shacadow
15- maxamed muslimiin
16- samatar
17- sulub
18-saciido
19- tariik
20- ambiyo
-------------------------------------------------------------------------------------------

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun, dhamaan bahweynta sportiga iyo Somalida ku nool wadanka Danmark waxeey tacsi tiiranyo leh halkaan uga diirayaan dhamaan umadda Soomaaliyeed,

eheladiisa meelkasta oo ay joogaan iyo bahweynta Isboortiga Soomaaliyeed weel walbo ay joogaan  geeridii ku timid allaha u naxariistee wasiirkii  dhalinyarada iyo Isboortiska Soomaaliyeed Wasiir Marxuum Saleebaan Colaad Rooble oo taariikhdu ahayd 12/02/2010 si lama filaan ah ugu geeriyooday magaalada Riyad ee Wadanka Sacuudiga.

 

  1. Cali Cusman Xeyle  (Ali Buuji)
  2. Nuur Suufi Maxmed (Nuur Gaab)
  3. Cabdullaahi Shaacir
  4. Maxamed Cali (Guduudow)
  5. Cabdirashid (Odense)
  6. Xaaji Cali
  7. Axmed Sheekh (Ugaaska)
  8. Maxamud Shiino
  9. Xaaji Yaxye
  10. Abdulaahi (Afjec)
  11. Muumin Cali Afrax
  12. Maxamed Aboor
  13. Abuukar A. Dahir (Arab)
  14. Cabdikarim Muse Faarah
  15. Seylac Axmed Xuseen
  16. Maxamed Cabdulle Maxamud (Diite)
  17. Jamaal Cabdullahi Cali
  18. Salaad Bikalo

19.  Bashiir Cabdullahi Xaji

  1. Cabdullahi Khaliif Fiiqow (Siite)
  2. Maxamud Sacid Cusman (Surka)
  3. Abdiwahab Hassan Ahmed (Dheeros)
  4. Siid Ali  Cumar (Jalbe)
  5. Mahad Axmed Diireye
  6. Cali Cadaani (Ali Malmo)
  7. Mohamed Guled (Frank)
  8. Maxamed A. Dahir (M. Arab)
  9. Nuur Cali (Nur Adunyo)
  10. Maxamed Shukri
  11. Cali Kalaay
  12. Maxamed Cabdulaahi Xaaji (Omaar)
  13. Khaalid Sheekh Xuseen (Macalinka)
  14. Cabdulaahi Cali cabdi (Ganey)
  15. Shariif Maxmed
  16. Abdi Muumin
  17. Aweys Maxamed Dhiblaawe
  18. Cabdiwali Cusman Jimcaale (Siyaasi)
  19. Yuusuf Cabdullahi Sheekh (Shabeele)
  20. kenadiid Cabdi Dahir (Kolding)
  21. Xasan Adan Xaaji Yabarow (Xasan Wiish)
  22. Cumar Xuseen Mooge

 

Iyo dhamaan cayaartooyda kooxaha kala duwan ee ka dhisan wadanka Danmark.

 

Marxuumka ayaa waxaa ilaah ugu baryaynaa janadii fardoowso, intii uu ka tagayna samir iyo iimaan Allah ka siiyo. Aamiin , Aamiin , Aamiin

---------------------------------------------------------------------

 

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa anigoo ku hadlaaya magacayga in kan qoyskaygaba qoyskii, qaraabadii iyo dhamaan bahwaynta cayaaraha soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan geeridii naxdinta lahayd ee ku timid wasiirkii hore ee dhalinyarada iyo sport ga mudane Saleebaan Colaad Rooble waxaanan ilaahay uga baryayaa in uu janadii fardawsa ahayd ka waraabiyo dhamaanteena samir iyo iimaan inaga siiyo.

 

Axmed Nuur Xasan Cabdulle.

----------------------------------------------------------------------

Guddiga XSKK, xubnaha, macalimiinta iyo dhamaan bahweynta kubadda koleyga soomaaliyeed waxey tacsi tiiraanyo u dirayaan geeridan naxdinta leh ee ku timid wasiirka dhalinyarada iyo sportiga Mr  Saleebaan Colaad Rooble. Waxeyna tacsidaan u dirayaan dhamaan qoyskii, eheladii iyo asxaabtii uu ka geeriyoodey,  waxayna ilaahay uga baryayaan in marxuumka in uu janadiisa fardawsa ah ka waraabiyo, ehaladiisana iyo dhamaan asxaabtii uu ga geeriyoodeyna samir iyo iimaan ilaahey ka siiyo. Aamin.

Eng Bana Ali

--------------------------------------------------------------------------

 

 


Written By: Mohamud
Date Posted: 2/13/2010
Number of Views: 549

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use