Shirkan ayaa marka laga reebo xubnaha ururka iyo kooxaha kala gedisan maamuladooda waxaa ayaguna ka soo qaybgalay martisharaf kale oo ayagu ka yimid dalal kale kuwaasoo aan ka xusi karno cayaaryahankii hore ee kooxdii madbacadda Xasan Waraabacadde "Ataroos" iyo waliba garsoorayaal kubadda cagta ah oo ayagu goobjoog ka ahaa shirkan.
Ugu horeyntiiba waxaa warbixin ku saabsanayd ulajeedooyinka ururkan iyo asbaabihii keenay in la aas aaso ka soo jeediyey xoghayaha ururka Maxamuud Ismaaciil asagoo martisharaftii halkaasi joogtay uga warbixiyey qaabka uu yeelan doono ururku iyo waliba waxyaabaha laga filan doono asagoo sidoo kalena xasuusiyey ulajeedada kulankan habeenkaasi oo asagu ahaa isbarasho kooxaha iyo waliba maamulka ururka.

Intaasi ka bacdi ayaa waxaa ayaguna dhinacooda warbixino gaagaaban halkaasi ka soo jeediyey kooxihii halkaasi isugu yimid dhamaantood uuna u bilaabay macalin Daahir Cusmaan "Daahir Gacameey" oo asagu ah kooxda ugu faca wayn uguna guulaha badan ee London Stars asagoo si aadah diiraddau saaray baahida loo qabo urur mideeya kooxahan isla markaana ay ku yeelan karaan miisaan taasoo ka saaraysa kooxaha qaababka foosha xun ee loola dhaqmo.

Waxaa ayaguna sidoo kale hadlay maamulada kooxaha Al-Hijra, Wembley United, Ilamos FC, Jubba FC, Somali Lions, W12, Heston FC, Bristol FC, Birmingham, Mogadishu iyo waliba kooxda faca wayn ee White Stars FC ayagoo dhamaantood muujiyey taageerada ururkan iyo sida ay diyaarka ugu yihiin ka mid noqoshada xubnaha ururkan SSAU haddii uu maro dariiq ka duwan kuwii hore sida ay hadalka u dhigeen.

Intaasi ka bacdi ayaa ayaguna waxaa halkaasi mid mid uga hadlay qaar ka mid ah madaxda ururka iyo garsiirayaashii soomaaliyeedeeayagu goob jooga ahaa kuwaasi oo aan ka xusi karno Gud Maxamed Shidane (Sawirka sare), Maxamed Ismaaciil, Gud/Xig Siciid Cayrow, Bile Cali, Gud/Xig Biriq, Xasan Ataroos, Kaytoon, Abaliisha, Zakariya Baliile, faaqid, Siciid Geeseey, Macalin C/Laahi Muxiddiin, Baaba Jeeylaani iyo kuwa kale oo aanan halkan ku soo koobi karin waxayna dhamaantood soo dhaweeyeen kooxaha una balan qaadeen in ay kula shaqayn doonaan si ka duwan ururadii hore eeayagu ay kooxahani la shaqayn jireen ayagoo adeegsanaya waayaaragnimada iyo aqoonta ay u leeyihiin kubadda cagta waxayna laf ahaantoodu iskula dardaarmeen in la badiyo ala ka cabsiga loona daneeyo dhalinyarada iyo ubadka yaryar si aan u aragno cayaartoy badan oo soomaali ku abtirsada kana muuqda garoomada.

Intaasi ka bacdi ayaa waxaa halkaasi lagu tuuray qori tuur tartan kubadda cagta ah oo afar kooxood ku dhexmari doona xaafadda Wembley ayna soo qaban qaabiyeen xubnaha ururka qaarkood kana mid ah bahda firfircoon ee galbeedka London anagoo warbixinta koobkaasina dib idinkaga soo gudbin doona.
Ururka SSAU iyo kooxaha ayaa ku balamay in mar kale kulan looga arinsanayo tartamada soo socda ay isugu yimaadaan mustaqbalka dhaw haddii alaha awoodda lihi ogolaado.








