|    Register
 
Thursday, March 11, 2010
Article Details
Masar oo markii saddexaad ku guulaysatay xalay koobka qaaradda Afrika.

Xulka kubadda cagta ee dalka Masar ayaa xalay cayaartii kama dambaysta ahayd ee koobka qaaradda Afrika 1-0 uga adkaaday xulka dalka Ghana sidaasina ku galay taariikhda koobkan ka dib markii ay noqdeen dalkii ugu horeeyey ee koobkan ku guulaysta saddex kol oo is xiga.

Cayaartan oo aad loo wada sugayey isla markaana ay labada dalba ku tartamayeen sidii ay mid waliba midda kale guusha uga marooqsan lahayd ayaa waxaa ay xulka dalka Masar dib u habayn ku sameeyeen qaab cayaareedkoodii ay ku cayaarayeen cayaarihii hore inkastoo taasi aysan wax badab ka badalin oo ay xulka Gahana weerar badan ku qaadeen xulka Masar.

Cayaartan oo qaybteedii hore iyo inta badan qaybtii labaad aysan labada kooxood wax gool ah iska dhalin ayaa waxaa uu macalinka xulka Masar Xasan Shaxaata soo geliyey cayaarta cayaaryahanka hogaanka u hayey tartanka gooldhaliyayaasha koobkan una safta kooxda Aliskandariya ee Mohamed Geddo kaasoo ka dib markii uu kubad kow iyo laba ah oo uu la cayaaray weeraryahankaka kale ee Zidan ku hubiyey shabaqa xulka Ghana oo ayagu ka shalaayey fursadihii faraha badnaa oo ay heleen sidaasina ay cayaartii ku noqotay 1-0 ayadoo ay ka dhimanayd muddo 5 daqiiqadood ah.

Xulka Ghana ayaa ku guuldaraystay in ay iska soo gudaan goolkaasi isla markaana cayaarta u diraan waqti dheeri ah sidaasina ay xulka dalka Masar ku noqdeen horyaalka qaramada qaaradda Afrika markii todobaad taasoo xalay meel kasta oo ay reer Masar ku nool yihiin gaar ahaan magaalooyinka waawayn ee dalkaasi looga dareemayey damaashaadka taageerayaasha dalka Masar.

Xulka Masar ayaa inkastoo uusan ka qaybgalaynin tartanka koobka adduunka hadana waxa uu dhulka ku soo jiiday afar dal oo ka mid ah kuwa qaaradda u matalaya koobka adduunka oo kala ah Cameroon, Algeria, Nigeria iyo Ghana.


Written By: Mohamud
Date Posted: 2/1/2010
Number of Views: 204

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use