Kulankii hore waxa uu dhex maray kooxaha MUQDISHO IYO BANAADIR oo ka mid ah kooxaha ugu waaweyn magaalada jeddah ka dhisan waxaana u ciyaara ciyaartoy aad u wanaagsan dhinaca farsamada iyo hanaan ciyaareedka,waxaana kala wata tababarayaal caan ah oo ay reer jeddah oo dhan wada garanayaan waa tababaraha muqdisho Calawi iyo kan banaadir ee Cumar Kubri iyadoo ay kasoo qayb galeen ciyaartaasi daawashadeeda taagerayaal aan cadadkooda la qiyaasi karin ayey qaybtii hore ee ciyaarta waxay kusoo gebagebowday 0-0.
Qaybtii 2aad markii la isugu soo laabtay ayaa waxaa dardar lasoo galay kooxdii BANAADIR oo weeraro is dabajoog ah kadib usuurto gashay inay helaan goolkii ugu horeeyey waxaana u saxiixay ciyaaryahanka difaaca uga ciyaara kooxda BANAADIR waa ciyaaryahan Cismaan waxayna ciyaartaii kusoo idlaatay 1-0 oo ay guushii ku raacday kooxdii BANAADIR waxaana ay markiiba taageerayaasha BANAADIR bilaabeen damaashaad iyagoo ku faraxsan guusha ay kooxdoodu ka gaartay kulankii jimacaha ee ay la yeesheen kooxda weyn ee MUQDISHO.
Kulankii labaad oo isna aan ka liidan ayaa waxa uu dhex maray kooxaha KAKANE iyo MAKAROONA waxay ciyaartaasi bilaabatay 5:00 galabnimo waxayna ciyaartu ku bilaabatay weerar iyo weerar celis iyadoo labada kooxoodba ay ku xisaabtamayeen dhibcaha saddexda ah oo ay koox waliba ugu soo gudbayso wareegga 2 aad ee 8da waxayna qaybta hore ee ciyaarta lagu kala nastay 2-0 oo ay KOOXDA MAKAROONA leedahay.
Qaybtii labaad ayaa wuxuu isna ku bilowday dardar iyo weeraro isdaba joog ah oo labada dhinacba ah daqiiqadii 61 aad ee qaybta 2aad ayaa goolkii ugu horeeyey waxaa helay kooxda KAKANE,daqiiqdao ka dib waxaa goolkii 3aad halkaasi ku saxeexay kooxdii MAKAROONA iyadoo goolkii afraadna ay heleen gabagabadii ciyaarta waxayna ku soo idlaatay 4-1 oo ay ku badiyeen kooxdii MAKAROONA,marka la yiraahdo makaroona ayaa ka badisay KAKANE dadka yaqaan kakanayaasha way yaabayaan maxaa yeelay kooxda MAKAROONA waa koox cusub haddana ay u ciyaaraan dhalinyaro aad u da'yar oo xirfadoodu aad u heersareyso .
Inkastoo ay kooxaha qaarkood ay rajo fiican leeyhiin ayaan haddana la saadaalin karin kooxda dhab ahaan ugusoo gudubtay wareegga 2aad ee tartanka waxaana la filayaa jimcooyinka soo socda in ay kooxaha qaar usoo gudbi doonaan.
Diyaariye muuse goosaar
muusegoosaar@hotmail.com