C/Salaan ayaa inkastoo uu cayaar hore oo ay kooxdani yeelatay uu kursiga kaydka fadhiyey waxaa uu maanta noqday cayaartoygii u dhashay dalka soomaaliya oo asagu ka cayaara cayaaraha heerka koowaad ama kuwa ugu sareeya dalkan ingiriiska talaabadaasoo ah mid ay aad ugu riyaaqeen isla markaana u soo dhaweeyeen bahwaynta sportga soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Macalinka kooxda Manchester City ayaa asagu maanta si lama filaan ah waxa uu garoonka u soo geliyey cayaaryahankan da'da yar ee soomaaliyeed wuxuuna C/Salaan muujiyey dadaal iyo farsamo aad u saraysa waxaana goobaha laga daawado cayaaraha ee magaalada London galabta ilaa iyo caawa aad looga hadal hayaa cayaaryahankan soomaaliyeed iyo waliba dadaalka ay asaga iyo waalidkiis muujiyeen.
"Run ahaantii maanta qiiradaydu aad ayey u saraysaa aad ayaana ugu faraxsanahay in aan daawado cayaaryahan soomaaliyeed ee ka cayaaraya garoomada dalkan Ingiriiska waana fursad aan muddo badan sugaynay maadaam aan hadda ka mid nahay waalidiinta dhalinyarada yaryar oo uu hormuudka u noqday C/Salaan Caddaay" ayuu yiri cayaaryahankii hore ee kubadda cagta naadigii Betroolka iyo xulkii qaranka Maxamed Axmed Daysane oo aan la xariiray ka dib markii uu daawaday cayartii galabta ee Man City iyo Scunthorpe.
Waxaa dhinaca kale caawa nala soo xariiray dad badan oo ka mid ah bahwaynta cayaaraha dalka gaar ahaan gudd ku xigeenka Gos Duraan Axmed Farax oo asagu aad ugu faraxsanaa in uu daawado wiil soomaaliyeed oo ka cayaaraya FA Cup wuxuuna sidoo kale hambalyo u diray aabe Caddaay dadaalka uu muujiyey.
Waxaa ayaguna la soo xariiray shabakadda dad badan oo ayagu hambalyo iyo bogaadinba u diraya garsoore caalami ah C/Qaadir Ibraahim Caddaay iyo dhamaan qoyska reer Caddaay guushan ay ayaga iyo wiilkoodu u soo hooyeen dhamaan bulshada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Waxaan ilaahay uga baryeynaa C/Salaan in uu heer sare ka gaaro cayaartan kubadda cagta waxaana ay guul u tahay dhamaan soomaali ayadoo aad caawa ilaa maanta ay dhamaan warfidiyeenada dalkan ingiriisku ugu yeerayeen C/Salaan wiil u dhashay soomaali oo haysta jinsiyadda Norway taasoo ku tusinaysa sumcadda iyo sharafta uu u soo hooyey dadkiisa.