Kulankii ugu horeeyey waxa uu dhex maray kooxaha MUQDISHO IYO FC SHAANDI
kulankaas oo ay ka soo qayb galeen taageerayaal fara badan oo labada kooxoodba leh waxayna ku bilaabatay ciyaarta weerar iyo weerar celis taasoo labada kooxoodba laga dareemayey inay halkaasi iyagu dhibcaha ka hantaan qaybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa goolkii ugu horeeyey halkaasi ugu saxiixay ciyaaryahanka lambarka 10 aad ee kooxda FC SHAANDI taasoo qaybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 1-0.
Qaybtii 2aad markii la isugu soo laabtay oo ay koox waliba la tashi iyo dardaaran soo gashay ayaa waxaa dardar cusub la yimid kooxdii MUQDISHO oo halkaasi wacdaro iyo qaab ciyaareed loo riyaaqay la soo gashay qaybtii labaad ee ciyaarta waxayna daqiiqadii 15 aad ee ciyaarta kubad aad loo soo sharaxay ay difaaca kooxda fc-shaandi ku carqaladeeyeen ciyaaryahanka weerarka ugu ciyaara kooxda muqdisho waxayna heleen rigoore taasoo uu shabaqa ku hubsaday goolyahayaha kooxda MUQDISHO (NAASIR ILKACASE)
waxayna ciyaartii kusoo gebagabowday 90kii daqiiqo 1-1 oo ay kukala baxeen labada kooxood.
Kulankii 2aad ee ciyaarta ayaa waxa uu sidoo kale dhex maray labada kooxood ee SYL iyo MARKACADEY oo ka wada tirsan guruub A waxayna labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar ay aad u jeclaysteen daawadayaashii kasoo qayb galay ciyaartaas iyadoo uu ciyaartaasi dhexdhexaadinayey garsoore CALI BAASHI ayaa waxay ciyaarta ku bilaabatay deganaan iyo taxadar iyadoo koox waliba ay iska difaacaysay kooxda kale weerarka kaga imaanaya, qaybta hore ee ciyaarta oo aan wax fursado ahi aanay helin labada kooxoodba ayey ku kala nasteen 0-0 .
Qaybta labaad ee ciyaarta ayaa waxaa labada kooxood ay wax ka badaleen qaab ciyaareedkii hore waxaana u suurto gashay kooxda ku ciyaaraysay magaca MARKACADEY in ay daqiiqadii 5o aad ee qaybta dambe ee cayaarta halkaasi ka dhaliyeen goolkii ugu horeeyey,daqiiqado kadibna waxaa goolkii barbardhaca halkaasi ka keenay kooxdii SYL waxayna ciyaartii ku soo idlaatay 1-1.
Isku soo wada duub kulamadii jimcahan ayaa waxay ahaayeen kulamo barbardhac oo halkaasi aanay wax guul ahi kooxina ka gaarin,inkastoo dadweynihii usoo daawasho tagay ay ku qanacsanaayeen ciyaarahaasi iyo qaabka ay u socdaan iyadoo ay maamulaan tartankankan ka socda magaalada jeddah raggii ruugcadaaga ku ahaa isboortiga soomaaliya berisamaadkii ha ahaadeen kubadda cagta,koleyga iyo ciyaaraha fudud kuwaasi oo jimce kasta xaadir ku ah garoomada ay tartamada ka socdaan.
Diyaariye muuse goosaar jeesoow
muusegoosaar@hotmail.com