|    Register
 
Friday, July 30, 2010
Article Details
Cayaarihii qaramada Afrika oo furmay iyo qaranka Togo oo dalkooda ku laabtay.

Tartanka kubadda cagta ee qaramada Afrika "African Nations Cup" ayaa xalay si rasmi ah uga furmay magaalada Luanda ee dalka Angola ayadoo furitaankii cayaarahaasina muddo daqiiqad ah loo aamusay cayaartoydii iyo maamulkoodii xulka dalka Togo oo ayagu ku waxyeeloobay weerarkii ay jabhadda xukuumadda dalkaasi ka soo horjeedaa ku qaaday baskii ay la socdeen reer Togo jimcihii aynu soo gudubnay.

Saddex qof oo uu ka mid ahaa macalinkii labaad ee xulka Togo ayaa ku geeriyooday weerarkaasi ayadoo labada ruux ee ayaguna ku geeriyooday ay kala ahaayeen weriyihii xulka qaranka ee dalkaasi iyo waliba darawalkii waday baskii ay cayaartoydani ku safrayeen ayadoo uu weerarkuna qabsaday xulka Togo ka dib markii ay ka gudbeen xuduuda u dhaxaysa dalka Congo iyo Cabinda oo ah gobol ka tirsan dalka Angola inkastoo uu dhul Congo ahi kala dhexmaro labada qaybood ee dalkaasi Angola.

Waxyar ka dib xiligii ay cayaaraha qaramada Afrika ay ka furmayeen magaala madaxda dalkaasi ee Luanda ayaa waxay cayaartoydii xulka Togo oo uu hogaaminayey kabtankooda Emanuel Adebayor diyaarad ay dawladoodu u soo dirtay ka raaceen garoonka dayuuradaha ee isla magaaladaasi inkastoo sida wararku ay sheegayaan ay cayaartoydu rabeen in ay ka qaybgalaan tartankan hadana ay dawladda dalkoodu ku adkaysatay in ay dalkooda dib ugu soo laabtaan si ay shacabka iyo qoysaskii saaxiibadoodii geeriyooday ula qaybsaadaan murugada.

" Waxaan u baroordiiqaynaa walaalaheen gurigeena ama dalkeena ayaanan ku murugoonaynaa" ayuu yiri Adebayor ka hor inta uusan diyaaradda fuulin asagoo ku sii jeeda dalkiisa wuxuuna caddeeyey sida ay cayaartoyda uga go'nayd in ay ka qaybgalaan cayaarahan balse ay qaateen go'aanka dawladooda asagoo dhinaca kalena sheegay in uu shiarar uu la galay kabtanada xulalka Ghana, Burkino Faso iyo Ivory Coast ay dhamaantood u muujiyeen taageero isla markaana ku ixtiraamayaan go'aan kasta oo ay qaataan uuna uga mahadcelinayo taageeradaasi.

Dhinaca kale dawladda Togo ayaa ku eedaysay xukuumadda Angola in aysan uga digin khatarta Cabinda halka ay xiriirka kubadda cagta ee qaaradda Afrikana ku eedeeyeen in aysan ilaa iyo hadda wax xiriir ah oo ku aadan nabadgelyada xulkooda kala hadlin.

Xulalka Angola iyo Mali ayaa xalay ayagu hadaba isaga horyimid cayaartii furitaanka ee tartankan cayaartaasoo ahayd cayaar aad u kulul inkastoo natiijadeeda laga daremi karay qaladaad fara badan oo labada dhinacba ah gaar ahaan daafaca iyo goolhayayaasha.

Xulka Angola ee martida loo yahay ayaa waxa uu cayaartan ku hogaaminayey 4-0 markii ay ka ahrsanayd muddo ka yar 15 daqiiqo waxaase la yaab noqotay markii ay xulka reer Mali oo uu horkacayey weeraryahankooda caanka Kanoute ay cayaartan ka dhigeen barbardhac 4-4 ah taasoo caro iyo niyadjab xoogan ku reebtay taageerayaashii faraha badnaa ee reer Angola oo qaarkood cayaarta ka sii baxeen ayagoo guul filayey.

African Cup Of Nations

 

 


Written By: Mohamud
Date Posted: 1/11/2010
Number of Views: 561

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use