Hadaba waxaa soo baxaya warar sheegaya in inta badan xal laga gaaray khilaafaadkaasi inkastoo ay wali harsan yihiin arimo yaryar oo u baahan in la dhamaystiro sida uu ii xaqiijiyey macalinkii xulka qaranka kubadda kolayga soomaaliyeed macalin C/Raxmaan Guhaad oo ku magic dheer “Shiino Guhaad” oo aan la xariiray si aan wax uga ogaado heerka uu marayo islaaxan ama dhamaynta khilaafkan.
Macalin Shiino ayaan ugu horayntiiba waxa uu sheegay in asaga oo ku hadlaaya magaciisa iyo kan dhamaan bahwaynta kubadda kolayga uu jecelyahay in uu raaligelin ka bixiyo dhibaatooyinkii iyo fariimihii qaldanaa ee ay bahdani isugu gudbiyeen hay’adaha kala gedisan ee warfaafinta amaba kala gaaray dhexdooda maadaama aan ka mid ahay macalimiintoodii iyo asxaabtoodii ay kalsoonida ku qabeen asagoo sida uu sheegay aan shaqsi gooni ah ku eedaynaynin in uu cid kale dambi ka galay balse sidaan u yeelaya in xal waara laga gaaro khilaafkan uuna asagu doorbiday in raalingelintaasi ay mudan tahay cid waliba oo dhibaato tirsanaysa.
Mar aan macalinka waydiiyey bal in ay dadka dhibaatada kala tirsanaya qaarkood is arkeen si ay isaga dhaqaan ama uga heshiiyaan khilaafkan ayuu macalin Shiino waxa uu sheegay in dhamaadkii usbuucii tagay ay shir aad u heersareeya oo la isugu keenayey gabdhihii kubadda kolayga ee qaranka qaarkood uuna goobjoog ka ahaa uu ka dhacay magaaladan kaasoo sida uu cadeeyey ku dhamaaday guul iyo is afgarad uuna uga mahadcelinayo dhamaan gabdhihii kubadda kolayga ee kooxihii kala gedisanaa ee dalka iyo xulkii qaranka oo ayagu muujiyey ixtiraam macalinimo oo ay ii hayaan.
“Runtii waxaan oran karaa shirkaasi waxa uu ahaa mid guulaystay waxaana ay gabdhihii halkaasi goobjooga ahaa halkaasi ka balanqaadeen in ay ka fogaan doonaan waxyaabaha khilaafka keena ayna si wadajir ah uga shaqayn doonaan horumarinta kubadda kolayga ee gudaha dalka iyo dibadaba” ayuu si kalsooni leh u yiri macalin Shiino Guhaad.
Waxaa caado ah in marka la isla joogana la heshiiyo marka la kala tagana ay meeshii ka bilaabato khilaafkii, kalsooni intee le’eg ayaad ku qabtaa in heshiiskani mira dhalo yaase goobjoog ahaa kulankan ayaan waydiiyey macalin Shiino waxa uuna ii caddeeyey in inkastoo ay dhamaan gabdhihii goobjooga ahaa balanqaadeen in aysan khilaaf dambe ka shaqaynayn ayna ka heshiiyeen wixii dhexmaray ay hadana soo baxayaan waxyaabo yaryar oo isfahamwaa uu keenay kuwaasoo sida uu sheegay uu ku rajo wayn yahay in la isla garan doono gabagabada uuna ku kalsoon yahay waxgaradnimada iyo isjacaylka bahdan uu ka waynaan doono khilaafyadan soo noqnoqonaya, waxaana uu sheegay in marka laga reebo gabdhahii kubadda kolayga ay kulankan goobjoog ka ahaayeen xoghayaha xiriirka kubadda kolayga Eng Baana Cali, la taliyaha xiriirkaasi Dr Cusmaan Shiis, guddoomiye kuxigeenka ururka cayaartoydii hore ee kubadda cagta mudane C/Qaadir Maxamed Faarax “Biriq”, cayaartoygii hore ee naadigii kubadda cagta ee sancada Siciid Axmed Kaytoon iyo C/Laahi Wiish oo asagu dhigay gogosha nabadeed juhdi badana geliyey dhamaynta khilaafaadkan.
Dhinaca gabdhihii ayagu goobjooga ahaa kulankan ayaa waxa ay kala ahaayeen:
1- Luul Aden Shiddo - Somali fruit
2- Khadiija Cabdi (naleey) - Somali fruit
3- Miski Cumar Xobor - Somali fruit
4- Bakiin Maaxi Macallin - Badda
5- Diib Cabdi Jaamac - Badda
6- Shugri Maxamed “Dhalbaas” - Muqdisho
7- Samsam Xuseen - Horseed/jeenyo
8- Xaawo Sh Axmed “taako” - Jeenyo/Somali fruit
9- Safiya Gudaal “Neero” - Somali fruit
Macalin Shiino Guhaad oo ka jawaabayey su’aal kale oo ahayd maadaama uusan khilaafkani ku ekayn London oo kaliya side suurtagal ku tahay in xal laga gaaro ayaa sheegay in ay mudadii ay kulamadan wadeen sidoo kale xiriiro la samaynayeen kuwa dibada laftigooda ayna jiraan isfaham marka xal buuxa laga gaarana aan shaacin doono.
Maxaad ugu dambayntii u soo jeedinaysaa bahda kubadda kolayga ayaan waydiiyey macalinka waxa uuna yiri “ waxaan si saaxiibtinimo iyo walaaltinimo ay ku dheehan tahay idinkaga codsanayaa in aad aqbashaan raalingelintaasi aan dhamaantiin idiin kala qaaday ama idiin kala gudbiyey isla markaana aad ka dhabaysaan balantii aad qaadeen oo ahayd in iinan khilaaf dambe ka shaqayn, aadna dib u abuurtaan jawigii walaaltinimo, sports nimo kaasoo aan ku ahayn dad is maqla, is ixtiraama, kolkaasaana wax badan u qaban karnaa bahwaynta kale ee kubadda kolayga iyo dhalinyarada soomaaliyeedba”.