|    Register
 
Friday, July 30, 2010
Article Details
Kulamadii ugu dambeeyey ee tartanka horyaalka Jeddah.

Waxaa si habsami leh uga socda magaalada jeddah ee boqortooyada sacuudi carabiya tartan aad u xiiso badan oo loogu magac daray tartanka koobka horyaalka jeddah. kulamadii ugu danbeeyey ayaa waxaa foodda is daray kooxaha SHARBATLE IYO LLPP ciyaartaas oo ahayd mid la wada sugaayey ayaa waxay qaybtii hore kusoo gebagebowday 1-0 oo kooxda sharbatle ay ku hogaaminaysay.

Qaybtii 2aad ayaa waxaa ay ciyaarta ku bilaabatay weerar iyo weerar celis oo labada kooxoodba ay halkaasi ku muujiyeen ciyaar ka duwan ciyaartii qaybta hore ay soo bandhigeen markii ay ciyaartu socotay ilaa iyo 25 daqiiqo ayaa kubad lasoo sharaxay waxaa goolkii 2aad halkaasi ku ansixiyey ciyaaryahan KALAAY oo weerarka ugu ciyaara kooxda sharbatle waxayna kusoo gebagebowday ciyaartaas 2-0 ay guushii ku raacday kooxdii ku ciyaaraysay magaca SHARBATLE.
 
Kulankii 2aad ayaa isna waxa uu dhex maray kooxaha SOMALIFRUIT IYO GOLEEY ciyaartaas waxaa dhexdhexaadinayey garsoore reer chad ah waxayna ahayd ciyaar aad loo wada sugayey siiba somalifruit oo ah koox aad looga yaqaan jeddah iyo caalamka intiisa kale dhisana muddo 21 sano ah ayaa waxay leedahay taageerayaal fara badan oo aan marnaba salka dhulka dhigin waxayna shalay soo bandhigtay ciyaarihii looga bartay waxayna qaybtii hore ee ciyaarta heleen goolkii ugu horeeyey waxaana lagu kala nastay 1-0 oo soamli fruit leedahay.
qaybtii 2aad ee ciyaarta marka la isugu soo laabtay weeraro isdaba joogah ka dib waxaa usuurto gashay kooxda somali fruit inay halkaasi ka dhaliyaan goolkii l2aad waxaana u saxiixay UUMAAW oo ah kabtanka kooxda waxayna ciyaartii la wada sugaayey ee xiisaha badnayd kusoo gebagabowday 2-0 oo ay ku badiyeen.
 
Muuse Goosaar Jeesoow
muusegoosaar@hotmail.com


Written By: Mohamud
Date Posted: 1/6/2010
Number of Views: 301

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use