Hadaba ayagoo ka tiiraanyeysan geeridan naxdinta leh ee ku timid aabe Sheakh Axmed Sheakh Muxumed guddiga sare iyo dhamaan xubnaha ururka SSAU oo ah urur ay magaalada London ka aas aaseen qaar ka mid ah cayaartoydii hore ee dalka waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan walaalkood iyo saaxiibkood Jamaal Wayne, dhamaan reer Sheakh Axmed, axsaabtii iyo eheladii uu ka tagay, waxayna la qaybsanayaan murugada iyo tiiraanyada ayagoo ilaahay uga baryaya aabe Sheakh Axmed in uu janadii fardawsa ahayd ka waraabiyo ayagana samir iyo iimaan ka siiyo.
Geerida aabe sheakh Axmed ayaa waxaa la ogaysiinayaa dhamaan asxaabtii iyo qaraabadii reer Sheakh Axmed Sheakh Muxumad meel kasta oo ay dunidan ka joogaan.
------------------------------------------------------------------
Dhamaan bahwaynta sport ga magaalada London ayagoo ka tiiraanyeysan geerida naxdinta leh ee ku timid aabe Sheakh Axmed Sheakh Muxumad waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan reer Sheakh Axmed gaar ahaan cayaartoygii hore ee naadigii kubadda cagta Horseed Jamaal Sheakh Axmed Sheakh Muxumed "Jamaal Wayne".
Aabe Sheakh Axmed ayaa dhamaad kii usbuucii tagay ku geeriyooday magaalada Mandera ee dalka Kenya waxayna bahda sport ga magaaladan London ay ilaahay uga baryayaan in uu Shiikha ka waraabiyo janadii fardawsa ahayd saaxiibkood Jamaal Sheakh Axmed, dhamaan qoyska reer Sheakh Axmed, saaxiibadii, Ehelkii iyo qaraabadii uu ka tagayna uu samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin.
Maxamed C/Raxmaan Buuwe
---------------------------------------------------------------------------------