Silva oo 16-jir ah kana ciyaara weerarka ayay kooxda Arsenal ku soo iibsatay aduun lacageed oo gaaray £3.5 million oo gini, waxaana Arsenal ay shubtay 65% lacagta ciyaaryahankaas ay ku soo iibsatay.
"si rasmi ayay kooxda Arsenal ula wareegi doontaa Silva todobaadka soo socda, waayo waxaa la isku raacay heshiiskiisa, Arsenal waxay heli doontaa ciyaaryahanka, Fluminense waxay heli doontaa lacagta" ayuu saxaafadda u sheegay wakiilka ciyaaryahankaas oo la yiraahdo Rdrigo Pitta.
Silva wuxuu ka mid yahay xulka qaranka Brazil ee da'doodu ka hooseyso 17-ka sono, waana laacib halis ah.
Kooxda Real Madrid oo ay u soo koroyaan 107 ciyaaryahan.
Xerada tababarka ee kooxda K.cagta Real Madrid ayaa dhawaan soo sareysa 107 ciyaaryahan oo xirfadoodu aad u sareyso, isla markaana la saadaalinayo in mustqabalka noqdoonaa ciyaartooy qaali ah oo wacdaro ka dhiga caalamka Kubadda cagta.
Borogaraamka tababaraka da’yarta kooxda Real ayaa laga soo xigtay in ciyaartooydaas ay xirfad ahaan wanaagsan yihiin, isla markaana ay noqon doonaan kuwa aan lacag badan uga bixin kooxda, maadaama hadda dhaqaalaha K.cagta uu aad u sii kordhayo, waxaana maadaama ay kooxda xafiltan xoog leh kula jirto dhigeeda Barcelona ay sheegeen in qaabka korinta ciyaartooyda ay tusaale ahaan ka qaateen kooxda barcelona, maadaama laacibiinta ay Baca ku duusho dhammaantood ay ka soo qalin jabiyeen xerada kooxdooda, kuwaas oo ay ka mid yihiin Lionel Messi, Andres Iniesta, Xavi Hernandez, Carles Puyol, Gerard Pique, Sergi Busquets, Bojan Krkic, Pedro Rodriguez, Jeffren Suarez iyo kuwa kale oo badan.
ciyaartooydan gaaraya 107 ciyaaryahan ayaa intooda badan hadda ka ciyaaraan qaaradda yurub gaar ahaan horyaaladda hoose ee Spain ee La Primera oo51 ay ka ay ka ciyaarto, 43 ka ciyaara La Segunda iyo 13 kale oo ka ciyaara 8 dal oo Yurub ah.
Xerada tababarka kooxda Madrid ayaa waxaa ka soo qalin jabiyay ciyaartooy halis ah ee aan ka imaan suuqa kala iibsiga kuwaas oo ay ka mid yihiin 5-ta ciyaaryahan ee xulka Spain ee kala ah Raul, Iker Casillas, Esteban Granero, Guti,iyo Alvaro Arbeloa.
Manchester United oo difaaceeda Nemanja Vidic ka iibineysa kooxda Real Madrid.
Tababaraha kooxda K/cagta Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa lagu wadaa inuu suuqa kala iibsiga ciyaartooyda ka soo iibsado difaac adag oo u bedelo booska uu baneynayo difaacooda halista ah ee Nemanja Vidic oo lagu wado inuu ku biiro kooxda Real Madrid.
Warakan ayaa intaas ku daraya in tababare Ferguson uu isla markiiba la xiriiray difaaca kooxd Everton wiilka la yiraahdo Jack Rodwell iyo difaaca kale ee xulka qaranka Denmarka iyo kooxda Palermo Simon Kjaer oo uu sheegay in haddii ay heshiis la gaaraan ay u buuxin karaa booska Vidic, waloow uu soo hadal qaaday difaaca kooxda FC Porto ee Bruno Alves
Kooxda Real ayaa 30-milyan oo gini ku iibsaneysa difaacaas, waxaana warkan oo uu qoray wargeyska The Times uu iintaas ku sii daraya in xaaska Vidig ay diiday nolosha wadanka Ingiriiska isla markaana ay ka dalbatay in ay u guuraan midkood wadamada Spain iyo Italiy.
Kooxda Barcelona ayay dhici karyaa in ay iyana ka faa’iieysato arrintan, sidaas oo kale kooxda AC Milan ayaa il gaar ah ku eegi doonta heshiiska Vidig, iyadoo ay dhici karto in ay ka falisto kooxda Milan.
Faarax Blue
farah.ali@somalivision.com
Wararkii ugu dambeeyay ee arrimaha siyaasadda iyo xaaladda wadankeena Soomaaliya halkan ka aqri.
www.somalivision.com ama www.sv77.com