|    Register
 
Friday, July 30, 2010
Article Details
Tababare Guus Hiddink oo noqonaya tababaraha Cusub ee Juventus iyo Franck Ripery oo Real ku biiraya.

War cusub ee goor dhaweyd oo caawa ka soo baxay magaaladda Torino ee wadanka Talyaaniga ayaa sheegaya in tababaraha xulka qaranka wadana Ruushka Guus Hiddink uu noqon doono tababaraha cusub e kooxda Juventus, waxaana warkaaas shaaca ka qaaday Jariidada Il Corriere Dello Sport ee ka soo baxda magaaladda Rome.

2-da bisha soo socota ee January ayuu si rasmi ah xilka ugala wareegi doonaa Cirro Fareera oo ku fashilmay  shaqada  kooxda Juventus, waxaana Guus uu ciyaarta ugu horeysa ee kooxdiisa cusub la yeelan doonaa kooxda Parma 6-da janury ee soo socota, iyadoo sidoo kale  la siin doono xooga lacag ah ee uu kooxda ugu soo gado dhowr ciyaaryahan marka suuqa kala iibsiga ciyaartooyda oo furmaya xilligaas.

Guddoomiye ku xigeenka kooxda Juventus Roberto Bettega  ayaa sheegay inay u sii gogol xaarayaan tababaraha cusub ee kooxda, haddii ay isku afgartaan heshiiska la filayo inuu dhaco.

Todobaadkii hore ayay kooxdu inkirtay in wax xirir ah ay la sameysay Guus, hase ahaatee wararku waa isi soo tarayaan.

Kooxaha Real Madrid iyo Bayern Munich oo heshiiska Ribery wada gaaray.

Boga Internetka ee wararka Cayaaraha ee la yiraahdo Europolitan.de ee laga leeyahay wadanka Germany ayaa galabta qoray in labada kooxood ee Real Madrid iyo Bayern Munich ee wadamada Spain iyo Germany ay wada gaareen heshiis hor u dhac ah ee aan weli si rasmi ah loo wada saxiixan, kaas oo la xiriira iibsiga weeraryahanka garabka midig ee kooxda B. Munich ee Franck Repery,

Wararka ayaa intaas ku daraya in labada kooxood ay ku heshiiyeen in Ribery ay ku kala iibsan doonaan lacag gaareysa 50-milyan oo lacagta Yuuroowda ah, waxaana heshiiskan ka dhameystiri doonaa marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartooyda ee bisha June ee 2010.

kooxda B. Minuch ayaa sidoo kale sheegtay in ay ka laabatay damacoodii ahaa in ay qandaraaska u kordhiyaan weerarayahankooda reer France.

dhinaca kale warar ayaa sheegaya in kooxaha Chelsea iyo Manchester City ay weli u hanqal taagayaan ciyaaryahankan oo ays sheegeen inuu muhiim  u yaay.

Faarax Blue

farah.ali@somalivision.com

 

Wararkii ugu dambeeyay ee arrimaha siyaasadda iyo xaaladda wadanka  halkan ka aqri.

www.somalivision.com ama www.sv77.com

 


Written By: faaraxblue
Date Posted: 12/29/2009
Number of Views: 609

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use