|    Register
 
Friday, July 30, 2010
Article Details
Ayuub Daa’uud oo ay isku heystaan dhowr kooxood oo Yurub ah.

Xidig yaraha da’da yare ee Soomaaliyeed Ayuub Jeenyo oo qaab amaah ah kaga maqan kooxda Juventus ee dalka talyaaniga ayaa waxaa soo badanayaa kooxaha isha gaarka ah ku eegaya adeega laacibkaasi soo baxaya oo inkasta oo aanu weli usoo bixin masraxiyadda kubadeed ee heerka sare (top flight) misna aad loo hadal hayo qaabka uu kubadda u xirfadeeyo.

Ayuub Daa’uud Jeenyo oo 19 jir ah isla markaana ka ciyaara waaxda khadka dhexe ee weerarka xigta (attacking midfielder) ayaa aad uga maajiyay taageerayaasha kooxda heerka 2-aad ee Corotone oo uu amaah ahaan ugu ciyaarayo xilli-ciyaareedkan iyo guud ahaan bahda Isboortiga taasoo keentay in ay doonistiisa iminka isu diiwaan geliyaan kooxa fara badan oo ka dhisan gudaha iyo dibedda Talyaaniga oo ay ka mid yihiin kooxo ka dhisan Ingiriiska.

Waxaana iminka laacibka usoo geed fariisatay kooxda heerka 2-aad Cesena oo doonaysa inay farsamadiisa kubadeed ka faa’iideysato gelinka 2-aad ee xilli-ciyaareedka haatan kala barka ah.

Kooxda La Vecchia Signora (marwada gaboowga ah) oo lagu naanayso Juventus ayaa iyadna ku faraxsan in laacibku uu tacaburkiisa kubadeed kasii amba qaado kooxda Cesena oo uu xirii wanaagsani kala dhexeeyo kooxda Bianconeri taasoo sii kordhinaysa suurtagalnimada uu Daa’uud uga mid noqon karo kooxda Cesena.

Daa’uud Ayuub oo nasiib u yeeshay inuu noqdo laacibkii ugu horeeyey ee Somali ah ee abid xirta funaanadda leh midabka Dameer-farowga ee Juventus ayaa 24-kii Febaraayo sanaddii 1991-kii wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho, Somalia.

Wuxuuna dalka Talyaaniga iska xaadiriyay isaga oo 5 jir ah, isagoo caga dhigtay magaalada Cuneo oo ah caasimadda goboleedka Cuneo oo gobolka 3-aad ee bed ahaan ugu balaaran Talyaaniga oo didil, iyadoo ay wehliyaan xubnaha qoyskiisu, waxaana u suura gashay inuu ku biro da’yarta kooxda Juventus ee loo yaqaanno “Primavera” isagoo 10 sana jir ah sanadii 2000, wuxuuna kulankiisoo ugu horreeyey ee rasmi ah uu kasoo muuqday koob loo dhigay da’yarta 20-ka sano ka hooseeya 7 sanadood kadib xilli-ciyaareedkii 2007/8.

 

Daa’uud ayaa sidoo kale ka mid ahaa xidigihii Juve ku matalayay koobkii Torneo di Viareggio ee 2009-ka, isagoo wacdarihii uu halkaasi ka dhigay ku muteystay in loo duubo taajka laacibka ugu wanaagsanaa tartankaasi oo uu kaalinta 1-aad ka galay dhinaca gool dhalinta isagoo saxeexay ilaa 8 gool.

In Ayuub uu sii koro jaranjarada kala sareeyntu intaa kumay ekaanin oo 14-kii bishii March ee 2009-ka wuxuu markii ugu horeeysey kasoo qayb galay kulan ka tirsanaa heerka 1-aad ama Serie A-da Talyaaniga isagoo bedeley laacibka Sebastian Giovinco oo isna ah laacib da’yar ciyaar ay 4-1 ku dubteen kooxda Bologna.

Wuxuuna 6-dii August ee isla sanadkan uu qaab ahaah ah ugu wareegey kooxda FC Crotone ee serie-B-da ka ciyaarta oo uu ilaa iminka u safto.

Billadaha uu Ayuub Jeenyo kula guuleystey yar yarka Juve ayaa waxaa ka mid ah Supercoppa Primavera: 2007 iyo Torneo di Viareggio: 2009, si shakhsiyan ahna wuxuu ugu guulaystey Kabaha Dahabka ah ee tartankii Torneo di Viareggio.

Dhererka: 172 cm.
Culayska: 62 Kg.
Lambarka uu hadda qaato: 21
Booska uu ka ciyaaro: Khad dhexe.

Ayuub Daa’uud ayaa ka soo jeeda Qoys Isboorti ah oo caan ka ah Isboortiga dalka Soomaaliya gaar ahaan kubadda cagta, tusaale ahaan Aabihii Daa’uud Xuseen iidoow waxa uu ahaa ciyaaryahan caan ah oo ka tirsanaa laacibiinta kooxdii kubadda cagta Jeenyo ( LLPP) ee Wasaarada Howlaha guud iyo Xulka qaranka Somalia, halka Abtigii Ayuub Sheekh Abuukar Allaha u naxariistee uu isna ahaa laacib caan ah oo ka tirsanaa kooxdii Jeenyo LLPP isla markaana noqday macalinkii kooxda kubadda cagta Jeenyo, Ayuub waxaa lagu magacabay Abtigii Ayuub.

Waxaa Diyaariyay:-Maxamed Xaaji Xuseen Raage
E-mail;-maxaaji@hotmail.com

Wararkii ugu dambeeyay ee arrimaha siyaasadda iyo xaaladda wadanka  halkan ka aqri.

www.somalivision.com ama www.sv77.com


Written By: faaraxblue
Date Posted: 12/29/2009
Number of Views: 985

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use