Markii la isugu soo noqday qaybta labaad ee ciyaarta ayaa daqiiqaddii 61 aad waxaa kubbad aad loo soo sharaxay shabaqa kooxda muqdisho ku hubsaday ciyaaryahanka numbarka 15aad u wata kooxda xiddigaha KAKANE oo lagu magacaabo MAXAMED OOYAAYE taageerayaasha ayaa goolkaasi aad ula dhacay gabagabadii ciyaarta ayaa kooxdii MUQDISHO waxay heshay rigoore waxaana u suurto gashay inay shabaqa ku hubsadaan iskana soo gudaan goolkii lagu lahaa.
Ciyaartaas oo ahayd mid ay aad ula dhaceen dadkii usoo daawasho tegay ayaa labada dhinacba ka hadleen waxayna sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin qaab ciyaareedka ciyaartoyda labada dhinacba oo ahayd mid lagu faani karo.
Kulankii labaad ee shalay ka dhacay garoomada magaalada jedah waxa uu dhex maray kooxaha BANAADIR iyo XIDDIGAHA KANDARA waxay ahayd ciyaar aad u xiiso badnayd oo qof jooga maahee qof ka maqan aan looga sheekeyn karin waa laba kooxood oo jeddah soomaalida degan ay aad u wada yaqaanaan labada kooxood ciyaar wanaagsan oo dadkii kasoo qayb galay ay aad ula dhaceen ayey soo bandhigeen qaybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa goolkii hoe helay kooxdii banaadir isla daqiiqado ka dib waxaa goolkii barbardhaca halkaasi ka dhaliyey kooxdii xiiddigaha KANDARA waxaa lagu kala nastay qaybta hore ee ciyaata 1-1.
Qaybtii 2aad markii la isugu soo laabtay ayaa koox waliba waxay soo bandhigtay qaab ciyareed aad ugu badalnaa kii qaybtii hore ee ciyaarta tababare walibana wuxuu ku dadaalay in uu difaacdo goolkiisa waxayna kusoo idlaatay ciyaartaasi barbardhac 1-1 .
tartankan oo ay soo qabanqabiyeen ciyaartoydii hore ee soomaaliya waqtigii beri samaadkii oo aan mar dhow wareysiyadooda iyo magacyadoodaba idin soo gudbin doona ayaa waxay ku dadaaleen in dhalinyarada ay ka mashquuliyaan in aanay waqtigooda ku lumin waxyaabaha xunxun ee ay dhalinyarada isticmaalaan sida mandooriyaha oo ay kala dagaalamaan ayna faraan in ciyaaruhu yihiin wax caafimaadka iyo mustaqbalka qofkaba u roon .
Diyaariye Muuse Goosaar
muusegoosaar@hotmail.com