|    Register
 
Friday, July 30, 2010
Article Details
Ciyaartooyda Xulka Qaranka K/cagta Eritrea oo manta isku dhiibay hey’adda qaxootiga ee UNHCR.

12-ka mid ah ciyaartooyda xulka qaranka K/cagta Eritrea ayaa goor dhaweyd isku dhiibay xaafiiska hey’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR ee magaaladda Nairobi, kaddib markii mudddo 3-malmood ah ay ku dhuumaleysanayeen magaaladda Nairobi.

Qof goob jooge ahaa ayaa noo cadeeyay in ciyaartooyda oo ku labisan Track Suit (labiska Sports) oo  sameysan calanka wadankooda ay dhoobteen irida hore ee xaafiiska UNHCR, kaddibna ay codsadeen in ay la kulmaan shaqsiga ugu sareeya ee xaafiiska, iyadoo isla markiina uu u soo baxay agaasimaha guud ee UNHCR, waxayna u sharaxay dhibka ay ka cabanayaan ee ah in aysan ku laaban Karin wadankooda, sababtoo ah waxay sheegeen in dhalinyarada wadankooda ay heysato xorriyad la’aan xoog, mid dhaqaale iyo waxbarasho intaba.

 

Ciyaartooyda oo ay la socdeen qaar ka mid ah dadka reer Eritrea ee qaxootiga ku ah dadlkan Kenya ayaa UNHCR ka dalbaday in ammaankooda la sugo, waxayna sheegeenin ay ka cabsanayaan police-ka wadanka Kenya oo sheegay in ay qab-qabanayaan kaddibna wadankooda ay dib ugu celinayaa, maadaama wasiirka arrimaha dibada ee Eritrea uu ka codsaday dowladda Kenya in ay dib ugu soo celiyo muwaadiniinteeda ciyaartooyda ah.

 

Ciyaartooydan oo ka qeyb galay ciyaaraha 33-aad ee kubadda cagta ee bariga iyo bartamaha Africa ayaa xulkooda u soo saaaray wareega 2-aad, kaddib markii ay 3-1 uga adkeedeen xulka SOomaaliya, hase ahaatee waxaa hakiyay xulka Tanzania oo 4-0 ku dhiftay markii ay quarterfinal isku arkee, waxaana intii aysan baxsan ay deganaayeen Hotelka Shariif ee deegaanka Islii ee Soomalida.

 

Xiriirka K/cagta wadanka Eritrea ayaa shaaca ka qaaday inuu aad uga xunyahay baxsiga ciyaartooydan oo ay ku sheegeen in ay dhaawici karto jiritaanka xiriirka, waayo waxay sheegeen in ay dhici karto in dowladda wadankooda ay mamnuucdo in wadanka ay ka baxaan ciyaartooyda ka qeyb galaya tartamada caalamiga ha iyo kuwa gobolka, iyadoo sidoo kale xiriirka CECAFA ee bariga iyo bartamaha Africa uu sheegay in ay ka xun yihiin falkan dhacay, waxaana jirta cabsi xoog leh oo labada xiriir ay ka qabaan dowladda uu madaxweynaha ka yahay Isaias Afewerki in ay gebi ahaanba qalin guduudan mariso safaradda dibada ah ee ciyaarootda K/cagta.

 

Waa markii labaad ee ciyaartooy reer Eritrean ah ay ku baxsadaan wadankan Kenya, iyadoo sanadkii 2006 ay kooxda Red Sea ee wadankaas ka baxsadeen dhowr ciyaaryahay, sidoo kale orodyahankii caanka ahaa ee reer Ertirea ayaa iska dhiibay wadanka Ingiriiska markii uu dhammaaday tartankii Cross Country ee lagu qabtay wadanka Ingiriiska.

 

Qoysaskii ay ka dhasheen ciyaartooydan isdhiibay ayaa waxay ciqaab dhaqaale iyo mid nololeedba kalal kulmi doonaan dowladda madaxweye Isaias Afewerki.

 

Faarax Blue

Nairobi-Kenya

Mobile: 254 722371728

Email: fmcblue@hotmail.com


Written By: faaraxblue
Date Posted: 12/16/2009
Number of Views: 912

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use