Ciyaaraha K/cagta ee xeebta ee Beach Soccer ayaa waxaa masuul ka noqn doona Axmed Maxamed Axmed oo degen wadanka Switzerland, isla markaana madax ka ah qeybta K/cagta eee Xeebaha ee xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, waxaana ka wareysanay arrinkaas.
“Bisha ee May ee 2010 ayaan qorsheynay in la qabto koobka ugu horeeya ee ciyaarahaa Beach Soccer-ka ee Bariga iyo Bartamaha Africa, kaddib kullamo aan la qaatay dhammaan madaxda Xiriirada K/cagta ee CECAFA ee 11-ka dal waxaan go’aan ku gaarnay in la sameeyo koobka Beach Soccer ee CECAFA” ayuu yiri Axmed Maxamed oo intaas ku sii daray “Waa qeyb ka mid ah horumarinta ciyaaraha ee bariga iyo bartamaha Africa, sababtoo ah waa markii ugu horeysay ee fikirka nuucan a uu hirgalo”
Axmed Maxamed wuxuu sheegay in koobka ugu horeeya qabashadiisa ay codsadeen madaxda xiriirka Kenya oo sheegay in ay lagu ciyaari doono magaaladda xeebta ah Mombasa, laakiin sidoo kale wadanka Zanzibar uu diyaar u yahay marti galinta ciyaarahaas, haddii Mombasa ay ku fashilanto marigalinteed, iyadoo sidoo kale uu jiro cod fiican oo ka yimid wadanka Jabuti eek u aadan marti galintaas.
Sidoo kale wuxuu kulan la qaatay Ra’isul Wasaaraha wadanka Kenya Ra’ila Odinga oo ah ka wada hadleen sidii dowladda Kenya ay gacan xoog leh uga geysan laheyd koobka ugu horeeya ee East and Central Africa Beach Soccer, waxaana Ra’ila uu aqbalay codisiga ka yimid Guddoomiye Axmed Maxmed.

Ra'isul Wasare Raila Odinga oo gacan qaadaya Axmed Maxamed iyo Xoghayaha CECAFA Nickolas Musonye.
Axmed Maxamed oo ku faraxsan hir galinta koobkii ugu horeeyay ee ciyaaraha East and Central Beach Soccer ayaa carabka ku dhiftay in koobka ugu horeeya lagu marti qaadi doono Wadamada Imaaraadka carabta ee UAE oo ah horyaalka Kubada xeebaha ee qaaradda Asia iyo wadankiisa Switzerland oo ah hoyaalka qaaradda Yurub, ahna kaalinta 2-aad ee horyaalka adduunka.
Sababta labadaas wadan loogu casuumayo koobkaas ayuu ku sheegay in ay tahay maadaama wadamada Bariga iyo Baramah Africa intooda badan aysan aqoon fiican u laheyd ciyaarahaas in looga dhiiro galin iyo in kalsooni lagu siiyo horumarinta wadamada Bariga Africa.
Axmed wuxuu sheegay in qeybta horumarinta ee ciyaarahaas ay gacan ka siindoonaan xiriirka K/cagta Adduunka ee FIFA iyo World Beach Soccer oo aad daneynaya qabashada ciyaarahaas, waxaana Axmed oo ka mid ah macallimiinta ama Instructor FIFA e dhinaca ciyaaraha Beach Soccer horumarinta arrimahaan kala shaqeyn doona xiriirada bariga iyo Bartama Africa, gaar ahaan guddoomiyaasha xiriiradaas.

Xoghayaha CECAFA Nickolas Musonye iyo Guddoomiyaha Beach Soccerka CECAFA Axmed Maxamed.
Faarax Blue.
Nairobi-Kenya
Mobile: +254 722371728
Email: fmcblue@hotmail.com