|    Register
 
Friday, July 30, 2010
Article Details
Shirkii ANOCA oo ka furma wadanka Burkina Faso iyo Duraan Faarax oo Soomaaliya uga qeyb galaya.

Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay magaaladda Ouagadougou ee caasimadda wadanka Burkina Faso shirkii Guddiga Olombikada qaaradda Africa ee ANOCA (Association of National Olympic Committees of Africa), waxaana ka qeyb galay 53-da wadan ee qaaradda.

Shirkan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa sanadkan looga hadlayaa qaabka horumarineed ee olombikada qaaradda, iyadoo ay jiraan fikiro iyo talooyin ay is dhaafsanayaaan ergada ka kala socota qaaradda, waxaana shirkan uu socon doonaa ilaa maalina berri ah haddii EEBBE idmo.

Shirkan oo sidoo kale ay goob joogayaal ka yihiin hey’adaha Olympafrica, Olympic Solidarity iyo kuwa kale ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee guddiga olombikada qaran, ahna xubin ka tirsan guddiga fulinta ee olombikada bariga iyo bartamaha Africa ee aaga 5-aad  Duraan A. Faarax, waxaana Duran uu kulamo goono-gooni ah la qaatay madaxda hey’adahaas oo uu kala hadalay sidii ay u taakuleyn lahaayeen Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS dhinaca horumarinta, tababarada iyo maamulka intaba, maadaama xilli adag ay ku shaqeyneyso hey’ada ugu sareysa Sports soomaaliyeed ee GOS.

Sida uu noo xaqiijiyay DUraan Faarax oo ku sugan caasimada Burkina Faso ee  Ouagadougou, waxay hey’adahaas ay ka aqbaleen codisigooda, iyagoo ka ballan qaaday in ay gacan ka geysan doonaan arrimahaas muhiimka ah ee la hordhigay.

1...Duraan.jpg

Guddoomiye ku xigeenka GOS Duraan Faarax oo fadhiya madasha shirka ANOCA 2009.

 

Faarax Blue

Nairobi-Kenya

Mobile: +254722371728

Email: fmcblue@hotmail.com


Written By: faaraxblue
Date Posted: 12/15/2009
Number of Views: 416

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use