|    Register
 
Friday, July 30, 2010
Article Details
Koobkii ciidda ee magalada London oo ay London Stars ku guulaysatay.

Koob lagu maamuusayey farxaddii ciidul fitriga ee aynu soo gudubnay isla markaana lagu qabtay garoonka Peviliank ee xaafadda Stonebridge ee galbeedka London ayaa lagu qabtay markii ay tariikhdu ahayd 26/11/2009, waxaana uu koobkasi dhexmaray laba kooxood oo ka mid ah kuwa ugu awoodda badan kooxaha London oo kala ah London Stars iyo webley stars.

Koobkan oo ay soo qabanqaabiyeen Cabdi xaaji iyo Raage ciire oo ah niman dhalinyaro ahoo  ka shaqeeya horumarinta sport ga iyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee galbeedka London ayaa waxaa sidoo kale garsoore ka ahaa garsoore soomaaliyeed oo asagu khibrad dheer u leh garsoorka kubadda cagta laguna magacaabo Maxamed Cali weerow, ayadoo ay isla markaana ka soo qaybgaleen daawashada cayaartan dadwayne badan oo isugu jiray caruur iyo waalid iyo waliba odayaal ka mid ah bahwaynta sport ga soomaaliyeed.

Labada kooxood ayaa soo bandhigay cayaar aad u raaligelisay dadkii halkaasi isugu soo baxay waxayna gabagabdii guuhsii ku raacday kooxdii London Stars oo uu macalin u yahay xiddigii naadigii Mogadishu iyo xulka qaranka Daahir Gacameey isla markaana ay kalkaaliyayaal u yihiin Xasan Dhuudhi iyo Siciid Kaytoon oo labaduba ka tirsanaan jiray cayaartoydii kubadda cagta ee naadiyadii Jeenyo iyo Sancada.

caji2.jpg

Sawirka bidix: Qabanqaabiye Cabdi Xaaji iyo garsoore Maxamed C Weerow.

Kooxda Webley stars ayaa ayadana waxaa sidoo kale tababara macalinka da'da yar ee C/Raxiin Cali Diiriye oo ka tirsanaan jiray cayaartoydii kubadda cagta ee naadigii Madbacadda qaranka waxaana uu sheegay in uu si wanaagsan ugu diyaargaroobi doono koobka xiga si uu mar un London Stars dhinacooda dhulka u dhigo maadaama kooxdan London Stars ay ka mid tahay kooxaha la loodin la'yahay sanadahan ayna u muuqdaan kuwa tababar wanaagsan qaata.

caji1.jpg

Gabagabadii kulankan ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Raage Ciire oo ku hadlayey magaca guddiga qabanqaabada wuxuuna ku amaanay labada kooxood sida ay uga aqbaleen in ay ka soo qaybgalaan kulankan wuxuuna sidoo kale ku amaanay odayaasha sport ga ee kala soo qaybgalay cayaartan sida ay had iyo goor ugu taagan yihiin dhiirigelinta cayaartoyda da'yarta ah, waxaa ayaguna halkaasi ka hadlay madaxdii ka soo qaybgashay tartankan oo ay ka mid ahaayeen oday C/Qaadir Isoomareey iyo guddoomiye ku xigeenka ururka sport ga ee qaaradda Yurub oo ay ku midoobeen cayaartoydii hore mudane C/qaadir Maxamed Faarax "Biriq" ku guddoonsiiyeen biladihii iyo koobabkii loogu talagaly cayaartoydan ayadoo cayaartoygii ugu wanaagsanaa tartankan loo gartay C/qaadir Saala.

caji.jpg

Guddoomiye ku xigeenka UCH (SSAE) C/Qaadir biriq oo koobkii cayaarwanaaga siinaya (Messi).

Waxaa asaguna cayaartaasi goobjoog ka ahaa isla markaana indha indhaynayey cayaartoydan macalinka labaad ee xulka qaranka kubadda cagta soomaaliyeed Daahir Boodaaye iyo Cabdinuur oo mid ah madaxda ururka cayaartoydii hore iyo martisharaf kale oo badan oo ayagu halkaasi kula dardaarmay cayaartoydii labada kooxood iyo macalimiintoodaba in ay halkaasi ka sii wadaan dadaalka iyo tababarka si ay hormuud ugu noqdaan dhalinyarta ka yaryar oo walaalahood ah.

caji3.jpg

caji8.jpg

caji4.jpg

caji7.jpg

rage.jpg

caji6.jpg


Written By: Mohamud
Date Posted: 12/11/2009
Number of Views: 1162

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use