|    Register
 
Friday, July 30, 2010
Article Details
Uganda iyo Rwanda oo iskugu soo haray Final-la Ciyaaraha koobka CECAFA.

Xulka qaranka K/cagta  Rwanda ayaa galabta u soo baxay final-ka koobka K/cagta ee bariga iyo Bartamaha Africa, kaddib markuu uu 2-1 ku sagootiday dhiggiisa wadanka Tanzania ay ku wada ciyaareen garoonka Nyanyo ee Magaaldda Nairobi ee Kenya.

Qeybtii hore ee ciyarta waxaa lagu kala nastay gool’laan, hase ahaatee markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta oo ay socotay muddo 10-daqiiqo ayaa ciyaarta laga saaray khadka dhexe ee xulka Tanzania Kevin Yondan kaddib markii uu ku kacay fal ka baxsan anshaxa ciyaaraha, waxaana halkaas ka faa’iideystay weeryahanka xulka Rwanda wiilka la yiraahdo Ndayishime Yusuf oo daqiiqadii 68-aad gool aad u macaan ku hubsaday shabaqa Tanzania, iyadoo 9-daqiiqo kaddib uu kabtanka Rwanda Mutesa Mafisango uu goolkii labaad ee ciyaarta ka dhaliyay xulka Tanzania.

 

Laakiin xulka Tanzania oo aysan ka muuqan wax niyad jab ah ayaa weerarkooda Hassan Mussa Mgosi wuxuu daqiiqadii 78-aad ciyaarta ka dhigay 2-1, kaddib markii uu dhaliyay gool, waxaana markaas kaddib xulka Rwanda uu xirta difaac aad u adag oo ay mari waayeen weeraryahanada Tanzania, waxaana difaacaas badan uu sababay in roose laga siiyo difaacooda adag Kapet Didier.

 

Ciyaarta ugu dambeysa ee koobka waxay dhex marti doontaa xulka Uganda oo 2-1 shalay ku soo dubatay xulka Zanzibar iyo Rwanda oo galabta 2-1 ku soo quusisay Tanzania, waxaana ciyaartaas maalinta Axada ah ay ka dhici doontaa garoonka Nyanyo, iyadoo la filayo in ay goob joog ka noqdaan madaxweynayaasha labada dale e Paul Kegame (Rwanda) iyo Y. Museveni (Uganda) iyo sidoo kale Ra’iisu wasaaraha dalkan Kenya Raila Odinga iyo guud ahaan madaxda CECAFA, waxaana tartanka  guddoomiye ka ah Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta C/qani Siciid Carab.

 

Faarax Blue

Nairobi-Kenya

+254 722371728

fmcblue@hotmail.com


Written By: Mohamud
Date Posted: 12/10/2009
Number of Views: 375

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use