|    Register
 
Friday, July 30, 2010
Article Details
Wiil Yar oo ciyaaryahan SOomaaliyed ah oo wacdaro ka dhigay wadanka Holland (Daawo Sawirada)

Ciyaaryahan Soomaaliyeed oo daýar  ayaa wacdaro ka muujiyay wadanka Nederland ee qaarada yurup kadib marki ay kooxdiisa ku guulaysatay horyaalka magaalada Nieuwkerek oo ku  dhow Maagaalada Rotterdam ee wadanka Nederland.

Ciyaaryahankaan soo koraaya oo lagu magacaabo Khaalid Cabdulaahi Cabdille ayaa  Dádiisuu ka hooseysaa 10 sano waxuuna u ciyaraa koox  yar oo magaladaaas matasha isgoo noqday ciyaaryahanka kaliya ee sid  aadka ah uga dhex muuqaday ciyaaraha horyaalda oo kooxaha ka dhisan magalaadaas

 

Khaalid Cabdulaahi waxuu ka ciyaraa dhexda waxuuna la soo baxay farsamooyin aad u wanaagsan macalimiintuna ay la dhaceen iyo waliba kooxdiisa uu u ciyaaro waxuuna sidoo kale aad uu uga dhex muuqdaa marka ay tabar samanayaan kooxdiisa

 

Tababare fouter oo ah macalinka leyliya  Ciyaaryahan khaalid ayaa sheegay inu yahay ciyaaryahan aad wanaagsan rajada mustaqbal fiican leh kubadana aad ugu wanaagsan

 

“ khaalid waa ciyaaryahan soo koraya oo da’diisu yartahay hadan leh qaab ciyaared fiican oo la dhihi karo waxuu noqankaraa xidig can ka noqda ciayaraha aduunka waayo waxuu leeyahay xirafado wanaagsan waana la imaan karaa inuu soo baxo waayo waxu haystaa jaanis iyo waliba tabar fiican”ayuu yiri tabaraha Khaalid

 

Cabdulaahi Cabdille Cali  waa aabaha dhalay Ciyaaryahan khaalid waxuuna kawaramayaa  rajada wiilkiisa ee ciyaraha waxuuna yiri “waxaan rajaynayaa inuu mustaqbal yeesho waayo ciyaaryahan kasta oo soo mara aduunka ama xidig kasta oo caan ah waxuu soo maraa maraxalada Khaalid oo kale waayo waxay u so ciyaareen kooxahaan oo kale oo magalooyinka ay ku dhasheen ah marka wilkaygana waa macquul inuu mar xidig noqdo”

 

Cabdilaahi waxuu aad ugu didaalaa khaalid waxuuna markasta geeyaa tabararka waayo ciyaaryahankasta waxaa marka hore kaalinta ugu muhiimsan ee uu ku soo baxaya ka qeybqaata waalidka waayo hadii marka uu ciyaaryahanku yaryahay uusan u didaalin jaaniska waa lumaya marka khaalid aabihis aaad ayuu ugu didaalaa inuu noqdo ciyaaryahan rajadiisu wanaagsantahay

 

Kooxda uu u dheela Ciyaaryaah khaalid waxay qadatay horayaalka magaladaas oo ah magaalo weyn oo kumaankun oo qofood ay ku noolyihiin waxay ka gudbayaan heerka ay hada jogaan maadama ay koobkii qaateen Waxayna tagyaan D

 

Arintaan ayaa waxaa wax ka qoray warabaahinta Nederland ama Hollnad waxayna tixraacdaa webka lagu soo bandhigay khaalid iyo kooxdiisa halkan Riix www.vvnieuwerkerk.nl/team.php?team=F13

 

Ciyaaryahan Khaalid waxuu jiraa 8 sano waxuuna ku dhashay Magaalada Nieuwerkerk ee wadanka Nederland waxuu dhigtaa Dugsiga dhexe ee magaaladaas waxuuna rajaynaa inuu noqdo ciyaaryahan wanaagasan oo can ah in kastoo wadankiiso hooyo ee uu ka soo jeedo wa soomaaliyee  uu yahay wadan burbursanaa ku dhawaad 20 sano ayuu hadana waxaa uu rajo ka qabaa inuuu wadankiisa u ciyaaro mustaqbalka

 

Waxii tallo ah way ku kordhin karahan abaha ciyaaryahanka Cabdulaahi cali  kala Xiriir emailka ama fikirkaga ugu dir oshshiyan@hotmail.com

1..........Khalid.jpg

Khaalid (Midigta) oo ciyaartooyda kooxdiisa oo dhageysanaya talada macallimintooda, fadhiyana qolka labiska ee kooxdooda.

1........Khalid.jpg

Khaalid oo kooxdiisa u soo hooyay billaado iyo abaalmarrino.

Khaalid oo u dabbaal degaya mid ka mid ah goolashiisa xirfadeysan.

1..KHalid.jpg

Khaalid oo kubad ku weeraraya kooxda ka soo horjeeda.

1.Khalid.jpg

Khaalid oo Kubbad la dhex maraya ciyaartooyda kooxda ka soo horjeeda.

 

W/D Bille Gurxan

Roterdam Nederland

Bileguraxan109@hotmail

 

Faarax Blue

fmcblue@hotmail.com

 

 


Written By: Mohamud
Date Posted: 12/10/2009
Number of Views: 1263

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use