Ciyaartan oo ka dhacday garoonka City ee magaaladda Nairobi ayaa waxaa goolka Calanka u dhaliyay xulka Soomaaliya Difaacooda Maxamed Xasan Shiine, waxaana guud ahaan ciyaartas ku soo idlaatay 3-1, iyadoo goolasha Eritrea midkood uu ahaa Rigoore aan sax aheyn, midna uu Own Goal ama kama' Gool uu iska dhaliyay difaaca adag ee xulka Soomaaliya Yaasiin Cali Cigaal.
Laba ka mid ah ciyaartooyda Xulka qaranka ayaa dhaawac daraadiis garoonka looga saaray, waxaa qeybtii hore lugta bidix ka hallaabay difaaca Dahir Abdulllaahi oo ka yimid wadanka Mareykanka, sidaas oo kale waxaa dhaawac madax ah uu soo gaaray difaaca kale oo midigta ka ciyaara ee Anwar Salaad oo miyir daboolmay, kaddib markii ay isku dhaceen weerarka Eritrea oo isna garoonka dhaawac ahaan looga bixiyay.
Haddii galabta Soomaaliya ay ka badin laheyd xulka Eritrea waxay u soo bixi laheyd wareega labaad ee koobkan, sababtoo ah waxa lagu soo saari lahaa kaalinta 3-aad ee qeytan iyo ciyaar wanaag, hase ahaatee nasiib darro aad u xun ayaaa ku habsatay xulkeen.
Guud ahaan waxaa wareega labaad ee ciyaarahan u soo baxay Xulalka, Zambia iyo Kenya oo ka soo baxay qeybta ee A, Zimbabwe, Rwanda iyo Eritrea oo iyaguna ka soo baxay qeyta B iyo Uganda, Tanzania iyo Burundi oo iyaguna ka soo baxay qeybta C.
Faarax Blue
Nairobi-Kenya
+254 722371728
fmcblue@hotmail.com