Rwanda oo 1-0 dirqi ah uga badisay xulkeena SOomaaliya ayaa tababaraheeda Eric Nshiyimana wuxuu sheegay in xulka SOomaaliya uu kubada la qeybsaday ciyaartooydiisa oo uu sheegay in 80% ay yihiin dhalinyaro uu u diyaarinayo mustaqbalka soo socda.
Safiirka SOomaaliya Maxamed Cali Ameerico ayaa isku howlay in qof kasta oo taageero u ah xulka SOomaali uu helo calan u gooni ah, waxaana safiirku uu soo sameeyay kumanaan calan, isagoo dhinaca kale ballan qaadyo u sameeyay ciyaartooyda, kuna dhiiro galiyay in ciyaaraha soo socda ay guul ka keenaan.
Hadaba waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa qeyb ka mid ah sawiradii ciyaartii Rwanda iyo Soomaaliya waana kuwan ee daawasho wacan:-

Kabtanka xulka qaranka Yuu Cali oo garoonka u hoggaaminaya ciyaartooyda .

Mdaxda Xiriirada Soomaaliya iyo Rwanda iyo Safiirada labada wadan oo sugaya garaacista heesaha calamada.

Macallinka Xulka qaranka Cabdi Faarax Gelle oo daawanaya qaab ciyaareedkiisa 4-4-2

Mowliid Macaane oo garsoorayaashii ciyaarta kula dar-daarmaya in aysan dhinac la jirsan. "15-sano ayaan ahaa garsoore FIFA ah" ayuu sidoo kale u sheegay garoore Mujuni oo ciyaarta dhex dhexaadinayay.

Mowliid Macaane iyo calankiisa oo taageerayaasha soo hor kacaya.


Safiiirka Soomaaliya Maxaxamed Cali Ameerico oo ciyaartooyda salaamaya.

Ciyaartooyda Soomaaliya oo salaamaya saaxiibadood Rwanda.

Tababaraaysha Xulka Qaranka, ka billow Midigta: Cabdi Faarax Gelle, Daahir Boodaaye iyo Xasn Faarax.

Garsooreyaasha Qaranka C/qaadir Xasan Xeyle iyo Cusmaan Jaamac Diraac iyo Taageere Fu'aad oo calanka lulaya.

Safaaradda Soomaaliya oo taageereyaasha calnaka u qeybineysa.

Taageeraha weyn ee xulka qaranka - Muuse oo calanka huwan.

Taageerayaasha xulka Qaranka.

Ciyaaryahanada qaranka oo garoonka ku sii socda.

Xulka Qaranka, ka billow fadhiga midig: Badir Macallin 16, C/qaadir Axmed 15, Maxamed Yare 20, Siidii Siciid 14 iyo Anwar Salaad 2.
Macalliin Gelle, Kabtan Yuusuf Cali 11, Bile Muxiidiin 19, Yaasiin Cali Cigaal 4, Daahir C/llaahi 5 iyo Goolhaye Khaalid Cali 12.

Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
Nairobi-Kenya
Mobile: +254 722371728
Email: fmcblue@hotmail.com