Daqiiqadii 6-aad ee qeybtii hore ee ciyaarta ayaa difaaca garabka midig ee xulka Somalia Badir, wuxuu iska dhaliyay gool ka’ma ah ama own goal, kaddib dadaal dheeri ah oo uu ku hakinayay kubad aad u xoog badneyd oo uu soo darbeeyay weeraryahanka xulka Rwanda Haruna Niyonzima.
Goolhayahay 1-aad ee xulka Qaranka Soomaaliya Khaalid Cali ayaa daqiiqadoo 19-aad ee galinkii hore ee ciyaarta dhaawac xoog leh wuxuu ka soo gaaray feeraha, kaddib markii ay isku dhaceen weeraryahan reer Rwanda ah, waxaana dhaqaatiirtu sheegeen in maalmaha soo socda uu ka soo kabsan karo dhaawacaas, waxaana isla markiiba lagu bedelay goolhayeha labaad ee xulka Kamala Cali Cumar, oo galabta bad baadiyay ku dhawaad 5 fursadood oo ay heleen ciyaartooyda Rwanda.
Qaabkii ciyaareedka tababare Geelle oo galabta ahaa 4-4-2 ayaa ahaa mid aad u wanaagsanaa, waayo ciyaartooyda xulka Somalia waxay ka kubad qurxoonaayeen dhigooda Rwanda, waxaana jirtay in dhowr fursadood oo qaali ah ay soo mareen ciyaartooyda xulka, waloow taageerayaasha Soomaaliya ay ka cabanayeen dhameystir la’aan dhinaca weeraryahanada Maxamed Yare iyo Bile Muxiidiin.
Ciyaartan oo aheyd mid aad u xiiso badeyd, waxaa daawashadeeda ka soo qeyb galay kumanaan taageeyaasha xulka Somalia ah oo uu horkacayay Safiirka SOomaaliya ee wadankana Kenya Maxamed Cali America oo taageerayaasha u qeybiyay calnaka Soomaaliya, isla markaana baabuur uu kireeyay ay ka taageerayaasha ka soo dal dalayeen xaafadda SOomaaliya ee Isliii.
“Ciyaar wanaagsan ayaan la ciyaarnay xulka Rwanda, runtiina waxaa na soo martay dhowr fursadood oo aan uga badin karnay Rwanda, hase ahaatee difaacyo adag ayay leeyihiin oo noo diiday in aan gool ka dhalinno, laakiin waxaan isku dayi doonaa in aan kulamada soo socda ee Zimbabwe iyo Eritrea uu xulku ka soo kabsado dhibaatadii guuldarada aheyd ee galabta soo gaartay” ayuu yiri Tababaraha xulka qaranka SOomaaliya CaBDI Faarax Gelle oo saxaafadda la hadlayay kaddib dhammaadkii ciyaartii galabta.
Tabababraha xulka Rwanda Eric Nsyimana ayaa isna yiri “Xulka Somalia wuxuu nala ciyaaray ciyaar xirfadeydsan oo aana ka filaneyn, sababtoo ah, sanadkii hore waxaan uga dkaaday 3-0”
Inkasta oo wadanka Rwanda qeybtii dambe ee ciyaarta ay ku ciyaarayaan 10 ciyaaryahan, maadaama weerarkooda Iranzi Jean roose laga siiyay kaddib markii uu si ula kac ah u suxul ugu dhiftay C/qaadir Axmed, hadana ciyaartii galabta waxay aheyd mid aad loo jecleysatay oo labada xulka ay muujiyeen dadaal dheeri ah.
Magaciyada CIyaartooyda Soomaaliya
- Khalid Ali Omar (Goolhaye 2)
- Anwar Salaad
- Mustafa Maxamuud
- Yaasiin Cali Cigal
- Dahir Abdulllaahi
- Mohamed Hassan
- Kamal Cali Cumar
- Qaasim Xasan
- Caadil Nuur
- Xasan Ciise
- Yuusuf Cali Nuur (Captain)
- Khaalid Cali Mursal (Goolhaye 1)
- Maxamed Xaashi
- Siidii Siciid C/lle
- C/qaadir Axmed
- Badri
- Maxamed C/lle
- Jabriil Xasan
- Bile Muxiidiin
- Maxamed Yare
Sawirada ciyaartii galabta goor dhowr ayaad ka daawan doontaa halka.
Wixii ar ah ee ku soo kordhan ciyaaraha 33-aad ee CECAFA halkan ayaad kala socon doontaan.
Faarax Blue
Nairobi Kenya
+254 722371728
fmcblue@hotmail.com