|    Register
 
Friday, July 30, 2010
Article Details
Koobka CECAFA oo si rasmi ah u furmay , Kenya 0 Zambia 2 (Daawo Sawirada)

 

Ciyaaraha K/cagta ee xulalka bariga iyo bartamaha Africa ayaa galabta si rasmi ah uga furmay garoonka Nyanyo ee magaaladda Nairobi ee wadanka Kenay, waxaana lagu furay xulalka Kenya iyo Zambia ee qeybta A.

Xulka Zambia ayaa 2-0 ku dharbaaxay dhiggiisa Kenya, waxaana ciyaartan oo aheyd mid aad u xiiso badan goolkii ugu horeeyay ku furay daqiiqadii 88-aad James Chamanga,  oo ah ciyaaryahan ka ciyaaraha horyaalka China, waxaana goolkaas uu wadnaha jaray kumanaan taageerayaasha Kenya ah oo galabta ka caroosay in gurigooda looga adkaado.

 

Goolka labaad ee ciyaarta waxaa shabaqa ku hubsaday daqiiqadii 90-aad ee ciyaarta Sunzu Stopilla, waxaan guud ahaan ciyaartaas ku soo idlaatay 2-0 oo guushu raacday wadanka Zambia oo marti ku ah koobkan.

 

Taageerayaasha xulka Kenya ayaa cambaareyn dusha uga tuuray tababarahooda Muxiidiin Twahir, waxayna ku canaanayeen inuusan xulashada ciyaartooyda qaranka oo ay sheegeen inuu ka soo tagay dhowr wiil oo halis ah.

 

Laakiin tababare Muxiidiin oo dhammaadkii ciyaarta saxaafadda la hadlayay ayaa yiri “Waxaa jiray qalad yar oo dhacay, laakiin waxaan saxayaa ciyaaraha soo socda, sidaas oo kale waxaa jira qalad ay sameeyeen ciyaartooyda qudhooda taas oo ah in aysan qaadan nasiino ku filan xilligii fasaxaha ahaa ee la siiyay, hase ahaatee waxaan taageerayaasheena u sheegayaa in ay is dejiyaan koobkan waan ku guuleysan doonaaye”

 

Herve Renard oo ah tababaraha xulka Zambia una dhashay wadanka France ayaa isna yiri “aad iyo aad ayaan u faraxsanahay sababatoo ah waxaan ka adkaanay xul weyn oo hadana wadankiisii jooga”

 

Xafladii furitaanka maanta ee ciyaaraha 33-aad ee CECAFA waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaha wadanka Kenya Raila Odinga, Madaxweynihii hore ee wadanka Zambia Frederick Chiluba, Guddoomiyaha Xiriirka CECAFA, ahna guddoomiyaha xiriirka K/cagta ee Tanzania Loedge Tenga, Guddoomiye ku xigeenka CECAFA XUseen Fadul oo reer Jabuti ah, guddoomihaya tartanka CECAFA C/qani Siciid Carab oo ah xoghayaha xiriirka K/cagtra Soomaaliya, iyo xoghayaha CECAFA Niclosa Musone iyo Masuuliyiin badan.

 

Isla garoonka Nyanyo waxaa berri galab ka dhici doona ciyaarta adage e Somalia iyo Rwanda waxaana la filayaa in ay ka soo qeyb galabaa kumanaan taageerayaasha xulka Somalia oo ku sugan wadankan Kenya.

 

Sidaas oo kale magaaladda Mumias ee woqooyinga Kenya waxaa berri ka furmaya ciyaaraha qebta C, waxaana kulanka ugu adag wada yeelan doona xulalka Uganda iyo Tanzania oo xafiltan aad u badan uu ka dhexeeyo.

 

1kenya.jpg

 Xulka Kenya

1zambia.jpg

Xulka Zambia

1.CECAFA.jpg

Ra'isul Wasaraha Kenya Raila Odinga (Bidixda koofida gacanta ku heysta) iyo madaxda CECAFA oo si rasmi ah u furay koobka

1CECAFA1.jpg

Guddoomiyaha tartanka CECAFA C/qani Siciid Carab (midigta) oo ku faraxsan furitaanka ciyaaraha 33-aad ee Bariga Africa.

1police.jpg

Booliska baanbey oo diyaara ah garaacista heesaha calmada ee Kenaya iyo Zambia.

 

Faarax Blue

Nairobi-Kenya

Cell: + 254 722371728

Email: fmcblue@hotmail.com

Written By: faaraxblue
Date Posted: 11/28/2009
Number of Views: 667

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use