|    Register
 
Friday, July 30, 2010
Article Details
Warbixin ku saabsan shirkii doorashda ee xubnaha guddiga fulinta ee CECAFA.

Shirkii doorashada xubnaha guddiga Fulinta ee CECAFA ayaa maanta ka dhacay hotelka Milimani ee magaaladda Nairobi, iyadoo doorashada ay ku soo baxeen guddii fulinta ee 2-dii sano ee la soo dhaafay soo shaqeynayay.

Doorashadan oo aheyd mid aad u xiiso badan ayaa waxaa ku soo baxay Gudoomiyaha xiriirka K/cagta wadanka Jabuti,  Xuseen Fadul oo 11-cod uga guuleystay guddoomiyaha xiriirka Eritrea Tasfay, waxaana Fadul uu noqon doonaa guddoomiye ku xigeenka CECAFA ilaa 2011, xoghayaha xiriirka K/cagta soomaaliya C/qani siciid Carab oo u tartamay xubin guddiga fulinta oo isna helay 11-cod, Justus Mugisha (Uga) 10-cod, guddoomiyahah xiriirka K/cagta ee wadanka Burundi  haweeneyda la yiraahdo Lydia Nsekera oo heshay 8-cod.

Sidoo kale waxaa xubin u tartamay guddoomiyaha cusub ee xiriirka K/cagta wadanka Itoobiya Wolde Shahilu, wuxuuna ku fashilmay inuu guddiga ku biro, isagoo helay 4-cod, iyadoo C/qani uu ahaan doono guddoomiyaha tartanka xulalka ee CECAFA ilaa 2011.

Sida uu dhigayo sharciyga CECAFA 2-dii sanaba mar ayaa la dooranayaa guddiga fulinta, marka laga reebo guddoomiyaha CECAFA Loedgear Tenga oo u dhashay wadanka Tanzania.

Qodobada kale ee ka soo baxay shirkii maanta waxaa ka mid ahaa:-

  1. In wadanka Rwanda uu si rasmi ah u marti galin doono koobka kooxaha horyaaladda bartiga iyo bartamaha Africa ee 2010.
  2. In Itoobiya ay marti galiso koobka xulalka bariga iyo bartamaha CECAFA ee 2010, laakiin haddii ay ku fashilmaan waxaa mar kale marti galin doona wadanka Kenya.
  3. Kenya waxay codsatay in ay marti galiso koobka qaaradda Africa ee African Cup of Nations ee sanadka 2016, waxayna ka codsatay 11-ka wadan ee CECAFA in ay taageeraaan codsigooda.

 

Faarax Blue

Nairobi-Kenya

Fmcblue@hotmail.com


Written By: faaraxblue
Date Posted: 11/27/2009
Number of Views: 356

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use