|    Register
 
Thursday, March 11, 2010
Article Details
Cayaaraha v Yaxye Islow Mahadale "One 2 One"

Kubadda cagta dalkeena soomaliya ayaa soo martay heerar aad u kala gedisan tan iyo markii laga bilaabay in laga cayaaro dalka xiligii gumaystaha waxaana sidoo kale ayaguna marayey marxaladahaas kala gedisan cayaartoydii kubadda cagta dalkeena oo ayagu la jaanqaadayey isbadaladaas iyo horumarka ama dibudhaca ay samaynaysay kubadda cagta soomaaliyeed.

 

Yaxya Islow Mahadale ayaa ka mid ahaa cayaartoydii kubadda cagta dalkeena soomaaliyeed kuwoodii ayagu ka gaaray heerka ugu sareeya oo ah in ay ka mid noqdaan xulkii qaranka kubadda cagta wuxuuna dhinaca kale ka mid ahaa cayaartoydii kooxdii Wagad “FIAT” oo ayaduna lagu tilmaamo mid ka mid ah kooxihii ugu wanaagsanaa dalkeena marka la fiiriyo tirada koobabka ay kooxdaasi ku guulaysatay iyo waliba laacibiintii soo maray naadigaasi.

 

Yaxaya Islow Mahadale ayaa ka soo jeeda qoys sport oo ayagu aad caan uga ahaa degmooyinkii Boondheere iyo Shibis ee magaalada Mogadishu wuxuuna ku dhashay kuna barbaaray xaafaddda Shibis ee magaalada Mogadishu asagoo isla markaana ku dhamaystay waxbarashadiisii ilaa iyo heer dugsi sare.   

 

Magaalada London oo ayadu ah halbawlaha jaaliyadaha soomaaliyeed ee ku dhaqan waqooyiga maraykanka iyo Yurub ayaan kula kulmay xiddigaasi waxaanan kula yeeshay waraysi aan wax kaga waydiiyey heerarkiisii cayaareed iyo waliba waxyaabihii ugu yaabka badnaa ee uu la kulmay xiligii uu ku dhexjiray kubadda cagta waxaana na dhexmaray waraysigan:

 

Maxamuud: Yaxye waxaan maqlay in aad ka soo jeedid qoys ay ka soo baxeen dhawr cayaartoy dhinaca kubadda cagta maxaa ka jira arintaasi sideese ku bilowdeen kubadda cagta qoys ahaan?

 

Yaxaye: Mahadsanid Maxamuud marka ugu horeysa waxaan idinkaga mahadcelinayaa fursaddan qaaliga ah ee aad I siiseen anigoo qadarin wayn u haya shabakaddan cayaaraha, marka xiga kubadda cagta qoys ahaan waxaa bilaabay aabahay ilaahay ha u naxariistee oo asagu cayaari jirayt kubadda ka dibna anaga wiilal ahaan ay noogu fududaatay in aan barano cayaarta kubadda maadaama aysan marnaba isku mid ahayn ilmo loo diidayo in ay banooni soo cayaaraan iyo kuwa lagu dhiirigelinayo.

 

Maxamuud: Imisa wiil oo qoyskiina ah ayaa cayaari jiray kubadda cagta heerkee ayeyse ka gaareen?

 

Yaxye: kuligeen waan cayaari jirnay waxaase aad ugu wanaagsanaa walaalahay Xasan Shiino oo asagu ilaa iyo heer qaran gaaray, C/Casiis Shiishow oo asaguna u cayaari jiray kooxdii Badda iyo C/Raxmaan Baajka oo asaguna aad ugu wanaagsanaa kubadda cagta waana kuwa ayagu suurageliyey in aan aniguna ku soo baxi cayaartoy wanaagsan.

islow.jpg

Bidix: Yaxye Islow iyo Maxamuud Ismaaciil (Cayaaraha.com)

 

Maxamuud: Kooxdee ayaad ka bilowday cayaarta kubadda cagta sanadkee ayayse ahayd?

 

Yaxye: Koox ahaan waxaa iigu horeysay kooxda Warshadda Hilibka ee magaalada Kismaayo oo aan joogay muddo gaaban waxaanan u cayaaray sanadkii 1976 kii halkaasoo aan ka soo helay waaya aragnimo aad u wanaagsan.

 

Maxamuud: Kismaayo ka dib Wagad miyaad ku biirtay mise kooxo kale oo Mogadishu ka dhisan ayaa jiray oo aad u cayaartay yaase kugu dhiirigelinta dib ugu soo noqoshada kooxaha Xamar?

 

Yaxye: Runtii koox kale uma cayaarin waxaan u saftay sanadkii 1977 kii kooxda Wagad qaybtooda heerka labaad ama Serie B anagoo sanadkaas ku guulaysanay Horyaalka cayaarhaasi waxaana suurageliyey in aan kooxdaasi ku biiro cayaaryahankii waynaa ee Dr Cumar Ganjab oo asagu si khasab ah igu saari jiray gaarigii lagu qaadi jiray cayaartoyda Wagad markuu qaadayo xiddigaasi Ganjab waxaanan runtii jeclahay in aan halkan uga celiyo mahadnaq aan la soo koobi Karin.

 

Maxamuud: Waxaan ka maqlay qaar ka mid ah cayaartoydii hore in aad ka mid tahay cayaartoyda yare e ayagoo aan wali cayaarin cayaaraha heerka koowaad loo magacaabo xul qaran arintaasi sax miyaa mise waa laga badbadiyey?

 

Yaxye: Arintaasi Maxamuudow waxbaa ka jira inkastoo ay dad badani si kale u fahmi karaan aniga markii ay dhamaadeen cayaarihii Junior ka ama serie B da ayaa waxaa la ii magacaabay xulkii Junior ka qaranka laakiin ma ahayn xulka waawayn, nasiibdaro cayaartii aan u soconay xataa waxay u baaqatay heshiiskii uu madaxwaynihii hore ee Masar Anwar Saadaat la galay dawladdii Israail.

Yaxye copy.jpg

 

Maxamuud: Sidaan la socono xulka qaranka junior ka waxaa had iyo goor laga xuli jiray naadiyada heerka koowaad sidee ku suuragashay in adiga oo heerka labaad cayaaraya laguu magacaabo?

 

Yaxye: waa su’aal wanaagsan run ahaantii, waxaa xiligaasi dalka joogay isla markaana xulka qaranka macalin u ahaa macalin u dhashay dalka Jarmalka oo lagu magacaabi jiray Ben Hatman kaasoo si joogta ah u daawan jiray cayaarihii Serie B da ee sanadkaasi wuxuuna warqad u soo qoray kooxda Wagad uu uga codsanayo in la igu soo xareeyo taasoo laga aqbalay.

 

Maxamuud: Sidee ayuu ahaa dareenka cayaartoydii ayagu ka yimid heerka koowaad markii aad Hotelka isugu tagteen maxaase kala kulantay markii aad axrootay?

 

Yaxye: Horta meel kasta oo laga yimaado waxaan ahayn dad is yaqaana ama waxay yaqaaneen walaalahay marka dareenkooda ma xumayn waana i soo dhaweeyeen aniga kaliyana ma ahayn dadka ku cusbaa xulka qaranka oo waxaa gadaashay la soo geliyey xerada cayaartoydii ka timid dalka Ethiopia oo kala ahaa Cali Muuse, Maxamed C/Laahi iyo Xasan Xayd oo ayagu ka dibna aan isku koox noqonay ka dib markii ay ku soo biireen kooxdii Wagad.

 

Maxamuud: kooxda Wagad kuwooda heerka koowaad markii aad ayada ku biirtay maxaad kala kulantay kooxdaasi sideese u arkeen nin hadda ka soo baxay Serie B oo qaran galay?

 

Yaxye: Runtii waxaan kala kulmay soo dhawayn iyo dhiirigelin joogta ah gaar ahaan Cumar Ganjab iyo alaha u naxariistee Jimcaale Xaayow oo labaduba ii ahaa kuwa aan ku daydo isla markaana aan ka waano qaato, cayaartoydii kale ee kooxdana waxay sidoo kale ii arkeen nin yar oo kooxda faaiido u keeni kara.

aboo.jpg 

 

Maxamuud: Kooxda Wagad waxay ku guulaysatay koobab badan gaar ahaan horyaalada dalka maxay uga duwanaayeen kooxaha kale oo sababay guulahaas?

 

Yaxye: Guddoomiyihii kooxda Wagad Maxamed Cali Xasan ayaa ahaa mid ka mid ah kuwii ugu maamulka wanaagsanaa kooxaha dalka asaga iyo alaha u naxariistee guddoomiyihii kooxda Jeenyo Nuur Xuseen, waxaa kale oo lagu amaani karay maamulka Wagad sida ay u simi jireen cayaartoyda oo aysan kuwa gooni ah siin jirin soo dhawayn gooni ah.

 

Maxamuud: Guud ahaan kooxihii dalka markaad dib u fiirisid adigoo barbardhigaya kooxahan dalalkan aan ku suganahy ama kuwa Afrikaba maxaad isleedahy way qaldanaayeen?

 

Yaxye: marka ugu horeysa ma jirin cid qaas u ah raashinka ama cuntada ay cunaan cayartoyda iyo saamaynta ay ku yeelan karto heerkooda horumarineed ama awoodeedba, sidoo kale ma jirin qalab ka shaqeeya jirka cayaartoyda (Gym) waxaa kale oo aan jirin sinaan cayaartoy taasoo abuurtay in ay cadaw isku yihiin laba cayaartoy ooh al koox u wada safanaya cayaar adag (Lack of unity) iyo waliba macalimiinta oo aan ayagu samayn jirin wax dhaafsiisan tababarka cayaartoyda halka macalimiinta dunidu ay isku yihiin macalin, la taliye iyo waliba daryeele cayaartoy.

Yax.jpg

 

Maxamuud: Xulka qaranka waawayn asaga goorma ayaad ku biirtay muxuuse uga duwanaa kii hore ee aad mudada gaaban ku jirtay?

 

Yaxye: Waxaan mar kale u cayaaray xulkii qaranka Juniorka ee asagu markii ugu horeysay taariikhda kubadda cagta dalkeena ku guulaystay koobkii dalalka bariga iyo bartamaha qaaradda Afrika sanadkii 1980 kii, ka dib isla sanadkaas ayaan ku biiray xulkii waawaynaa wax badan oo ay ku kala duwanaayeena ma jirin maadaama cayaartoyda intooda badan ay labadaba ku jireen inkastoo kuwa waawayn ay ku jireen cayaartoy khibrad badan leh.

 

Maxamuud: Kooxda Wagad ayada mudadii aad la joogtay wax bilado ah ma ku guulaysatay?

 

Yaxye: Waxaan la qaaday kooxda Wagad laba ka mid ah koobabkii horyaalka ay kooxdani ku guulaysatay sanidihii 1980-90 kii kuwaasoo dhamaa 4 horyaal balse aan anigu la qaaday sanadihii kala ahaa 1982 iyo 1985 kii, waxaan kaloo ku guulaysanay koobab munaasabado oo aanan xasuusan Karin hadda. Waxaan sidoo kale ku guulaystay cayaaryahankii ugu goolasha badnaa sanadkii 1982 kii anigoo ku qaaday 11 Gool.

islow1.jpg

Bidix: Yaxye iyo Bashiir Indhabuur.

 

Maxamuud: Markaan dib u xasuusto qaabcayaareedkaagi waxaad lahayd darbad xoogan isla markaan toosan taasoo aad u cabsi gelin jirtay goolhayayaashii kooxaha kaasoo horjeeda ma hibo eebe ayey ahayd mise si kale ayaad ku heshay?

 

Yaxye: Runtii inkastoo hibada eebana ay meesheeda tahay hadana waxaan ku samayn jiray tababar badan oo aniga gooni ii ah taas ayaana ugu wacnayd in ay darbooyinkaygu inta badan noqdaan kuwa ku aada goosha haba la qabto eh.

 

Maxamuud: Yaxye maadaama aad ka mid tahay cayaartoyda yare e ayagu ka cayaaray cayaaraha heerka koowaad ee magaalooyinka Xamar iyo Kismaayo maxuu yahay farqiga u dhexeeya labadan horyaal maxayse isaga mid yihiin?

 

Yaxye: Inkastoo labaduba yihiin horyaalo hadana run ahaantii way kala heer sareeyaan oo kan Xamar ayaa aad u heer sareeya cayaartoyda reer kismaayana inkastoo aysan yaraysan hadana kuwa Xamar ma gaaraan, waxayse isaga mid ka yihiin jacaylka kubadda cagta ay u hayaan iyo ayagoo labaduba mushaar ku qaata cayaaridda kubadda cagta.

 

Maxamuud: Ma xasuusan kartaa markii kuugu horeysay ee aad ku cayaarto garoonka Stadium Mogadishu sideese ahaa dareenkaagu?

 

Yaxye: Runtii Maxamuudow waxay ahayd maalintii ugu horeysay garoonka way nee Stadium Mogadishu cayaartii lagu furay garoonkaasi oo dhex martay xulka juniorka dalka soomaaliya iyo koox ka socotay dalka Shiinaha ee ayagu dhisay garoonkaasi waxaana nalakaga adkaaday 0-3, cayaartaas markii aan garoonka galnay ka hor cayaarta si aan isugu kululayno waxaa i gashay cabsi badan tirada dadka iyo sawaxanka ka soo baxayey dartiis.

isl.jpg

Bidix: Bashiir, Yaxye Islow iyo Daysane.

 

Maxamuud: Waxaa igu maqal ah in la idinnkaga aaray kooxdaasi ka dib markii ay xulka waawayn ee Soomaaliya la cayaareen cayaartii labaad taasi ma saxbaa?

 

Yaxye: Haa oo runtii ayagana 3-0 ayaa lagu dhuftay ka dib markii ay ka hortageen xulka qaranka waaway oo ayagu markaasi ka soo laabtay dalka Kuwait oo ay wacdaro ka soo dhigeen.

 

Maxamuud: Mudadii aad ku dhexjirtay cayaaraha ama aad daawanaysayba kumuu ahaa macalinkii ugu wanaagsanaa ee aad la kulanto iyo cayaartoygii ugu wanaagsanaa ee aad is leedahay wuxuu noqon karaa cayaartoygii ugu fiicnaa ee soo mara dalkeena?

 

Yaxye: Macalinkii ugu wanaagsanaa ee aan la kulmo wuxuu ahaa alaha u naxariistee macalinkii qaranka Cumar Canjeesto halka aan isleeyahay cayaartoygii ugu wanaagsanaa ee soo mara dalkeena waxa uu ahaa Siciid ducaale.

 

Maxamuud: Maxaa kuugu yaab badnaa ama aad oran kartaa cayaartii kuugu cajiibka badnayd intii aad cayaaraysay?

 

Yaxye: Xulka Soomaaliya ayaa xulka dalka Brundi uga soo adkaaday dalkooda 1-0, ka dib ayaa waxaan maqalnay in ay ka cabsanayaan in ay Xamar yimaadaan si aan goolal ka badan looga dhalin waxaase dhacday markii ay yimaadeen Xamar in ay nooga adkaadeen 2-0 taas ayaa iigu yaab badnayd.

 

Maxamuud: Inkastoo guulaha kuwan oo kale ahi ay aad u farxad gelin jireen shacbiwaynaha cayaaraha jecel ee Soomaaliyeed hadana waxaa hubaal ah in xulka qaranka Soomaaliyeed uusan gaarin horumar la taaban karo maxaa ugu wacnaa guuldarooyinka faraha badnaa iyo horumar la’aanta?

 

Yaxye: Sidaan horey u soo sheegay sidii kooxaha ma jirin cid daryeesha jirdhiska iyo sare u qaadida nafaqada jirka cayaartoyda qaranka, waxaa kale oo jiray qaladaad badan oo dhici jiray dhinaca xulidda cayaartoyda oo had iyo goor la xuli jiray cayaartoy u badan khadka dhexe, sidoo kale waxaa si gooni loo qiimayn jiray cayaartoy gooni ah taasoo abuuri jirtay isnacayb iyo is riixid cayaartoyda dhexdooda ah, waxaa sidoo kale mararka qaarkood la xuli jiray ama qaranka loo wadi jiray koox dhan 14 cayaartoy halkii laga rabay 18 ama ka badan iyo waliba garoomada lagu tababaran jiray oo aad u hooseeyey.

CIMG4439.JPG

Bidix: Baashow(Ex Wagad) iyo Yaxye Islow.

 

Maxamuud: Yaa iska lahaa awoodda xulidda cayaartoydii xulka qaranka?

 

Yaxye: Waxaa awoodda ugu saraysa lahaa wasaaraddii Sport ga taasoo wiiqaysay awoodda macalinka maadaama uusan siduu rabo ula xisaabtami Karin cayaartoyda haddii uusan markii horeba awood ku lahayn cayaartoyda loo soo xulayo xulka qaranka.

 

Maxamuud: Goorma ayaad ka fariisatay cayaaraha ka dibse ma ka baxday ayaga dhan mise wali qayb ayaad ka tahay horumarinta cayaarta kubadda cagta dalka?

 

Yaxye: Markii aan sanadkii 1985 kii ku guulaysanay koobkii Horyaalka ayaan sanadkii xigay 1986 kii waxaan cayaar u aadnay dalalka Tanzaniya iyo Sauudi Arabiya markii aan soo laabanayna waan ka fariistay cayaaraha, waxaan isla sanadkaasi ka qaybgalay tababar macalinimo kaasoo aan ka qaatay shahaado wallow aanan hadda si joogta ugu dhexjirin horumarinta sport ga hadana kama maqni talooyinka iyo isku soo duwidda bahwaynta kubadda cagta.

 

Maxamuud: Maxaad is leedahay way ugu wacan tahay dhibaatooyinka xiligan haysta sare u qaadida kubadda cagta iyo waliba isqabqabsiga bahwaynta sport ga?

 

Yaxye: Waxaan ku soo koobayaa waxaa sabab u ah is ixtiraam la’aan baahsan oo ka dhexjirta bahdan ayadoo aan lagu tixgelinayn qof waliba waxa uu yaqaano ama khibradda u leeyahay taasoo keentay is maqal la’aan dhalin karta in ay hakad galaan ama ay socon waayaan waxqabadkii dhabta ahaa.

Xaaji 016.jpg

Bidix: Shidane, Yaxye Islow, Siciid Cayrow iyo Axmednuur Sayga.

 

Maxamuud: Waxaad habeen dhawayd ka qaybgashay kulankii cayaartoydii hore ee kubadda cagta ay uga arinsanayeen samaynta urur mideeya cayaartoydii hore kana shaqeeya isku soo duwidda bahdan iyo horumarinta kubadda cagta sidee u aragtaa fikirkaas maxaadse kula talinaysaa?

 

Yaxye: Runtii waxaan aad ugu farxay kulankaas aan kula kulmay dad badan oo laga yaabo in aanan isku aragneen magaaladan taasoo ah faaiidad koowaad ee kulamada noocaan oo kale ah tan labaad waa fikrad aad muhiim u ah inkastoo aan leeyahay waa lala soo raagay hadan haddii hadda daacad laga yahay in wax la qabto waxaan hubaa in ay yihiin dadkii ku haboonaa waxqabadkaas waxaanan kula talinayaa bahda kubadda cagta ee ka maqan kulamadan in ay ku soo biiriyaan taladooda iyo waxqabadkoodaba waana soo dhaweynayaa aniga Yaxye ahaan taageero buuxdana waan u hayaa.

 

Maxamuud: Ugu dambayntii yaad halkanka salaamaysaa?

 

Yaxye: waxaan marka ugu horeysa jeclahay in aan hambalyo u diro maamulka cusub ee ururka cayaartoydii hore gaar ahaan guddoomiyaha Shidane iyo guddoomiye ku xigeenada Siciid Cayrow iyo Biriq, ka dib waxaan halkan jeclahay in aan ka salaamo dhamaan cayaartoydii kubadda cagta iyo kolayga soomaaliyeed gaar ahaan cayaartoydii iyo macalimiintii kooxdii Wagad, waxaanan jeclahay in aan si gooni halkan uga salaamo cayaartoydii aanan mudada is arag ama is maqal sida Salaaxaddiin Cabdalla “Baajaabir”, Nuuraani, Cali Muuse, Xasan Xayd, Obsiiye, Cumar Joof iyo waliba Maxamed Cali jeelle “Katiimba”.

 

Akhristayaal waxaan halkan mahadcelin balaaran uga soo jeedinayaa taageere wayn oo asagu si aad ah ula socda kubadda cagta iyo waliba taariikhaha cayaartoydii hore oo lagu magacaabo Bashiir Maxamed Cali “Bashiir Indhabuur” iyo waliba cayaaryahankii hore ee naadigii Batroolka Maxamed Axmed “Daysane” oo labaduba gacan wayn ka gaystay qabsoomidda waraysigan taariikhiga ah.

 

Waraysiyada soo socda xiliga dhaw:

 

Siciid Xuseen Cayrow (Ex Horseed iyo xulka qaranka)

Bashiir Maxamed yuusuf (Baabuuji) (Ex SITT Daalo iyo qaranka)

Qoyska kubadda kolayga (Dr Shiis iyo Xaawo Taako)

 

Fadlan su'aalahaaga ku aadan dhamaan cayaartoydan hoos ku xusan noogu soo hagaaji cayaaraha@yahoo.co.uk

 


Written By: Mohamud
Date Posted: 11/27/2009
Number of Views: 1616

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use