|    Register
 
Friday, July 30, 2010
Article Details
Guddoomiyaha Tartanka CECAFA C/qani Siciid Carab oo soo gaaray Magaaladda Narobi

Guddoomiyaha tartanka 33-aad ee ciyaaraha CECAFA, ahna xoghayaha guud ee xiriirka Soomaliyeed ee K/cagta C/qani Siciid Carab ayaa soo gaaray magaaladda Nairobi oo Sabtida soo socota ay ka billaabanayaan ciyaaraha xulalka Bariga iyo Bartamaha Africa.

C/qani ayaa safarkiisa ka soo billaabay  magaaladda Tunis ee caasimada wadanka Tunisia, waxaana C/qani oo cayaaraha.com la hadalay uu sheegay in in sababta uu u soo hormaray ay tahay inuu sii xoojiyo qaban qaabada ciyaaraha qaramada CECAFA ee ka kala dhici doona magaalooyinka Nairobi iyo Mumias ee Kenya.

C/qani ayaa sanadkii hore loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha ciyaaraha CECAFA kuwooda qaramada oo sanadkiiba mar la qabto maadaama uu ku jiro xubnaha ugu fir fircoon ee xiriirka CECAFA.

Dhinca kale Xulka qaranka K/cagta SOomaaliya ayaa habeen dambe soo gaari doona magaaladda Nairobi, waxaana diyaar garoow xoogan uu ka socdaa magaaladda nairobi, waxana soo dhaweyn doona guddi is qaamay oo uu horkici doono safiirka SOomaaliya ee Kenya Maxamed Cali Americo.

Wixii warar iyo sawiro ku soo kordha ciyaarahan waxaad kala socon doontaa www.cayaaraha.com

Faarax Blue

Nairobi-Kenya

fmcblue@hotmail.com

 


Written By: faaraxblue
Date Posted: 11/24/2009
Number of Views: 414

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use