|    Register
 
Friday, July 30, 2010
Article Details
Qaban-qaabadda ciyaaraha CECAFA 2009 oo gaban-gabo mareysa iyo Wadama codsaday in tartanka lagu soo

Iyadoo weli xiriirka K/cagta ee CECAFA uu ku wareersanyahay sameynta isku aadka ciyaaraha CECAFA 2009, isla markaana weli ay jirto dhibaato dhaqaale xumo ayaa hada waxaa jira  wadamo dhowr ah oo aan ka dirsaneyn aaga bariga iyo bartamaha Africa oo doonaya in tartankaas ay ka qeyb qaataan.

Wadankii ugu dambeeyay ee codsaday in ay ka qeyb galaan ciyaartaas ayaa noqday xulka qaranka wadanka Libya, ee woqooyiga Africa,  waxaaana Xoghayaha guud ee CECCAFA Nic Musonye uu cadeeyay in xiriir toos ah ay la soo sameeyeen madaxda xiriirka K/cagta ee Libya kuwaas oo codsaday in Tartankaas oo aad u xiiso badan ay ka soo qayb galaan, loona ogolaado in ciyaartooydooda ay bariga Africa ka ciyaaraan, wuxuuna sheegay in ay dhci karto in lagu soo daro xulaka ka qeyb qadanaya tartanka.

Xulka Zambia ee koofurta Africa,  oo aan ka tursaneyn xerada CECAFA ayaa mar kale oo loo ogolaaday in ay ka soo qeyb galaan ciyaarahan, waxaana Libya iyo Zambia ay noqondoona wadamo isl gaar ah lagu eegi doono.

Musonye ayaa sidoo kale sheegay in 11-ka bishan la sameyn doono isku aadka tartanka ciyaaraha CECAFA, waxaana si rasmi ah loo xaqiijiyay in ay ka qeyb qaadan doonaan wadamada Kenya oo martiga lineysa tartanka, Tanzania, Zanzibar, Ethiopia, Somali, Djibouti, Eritrea, Burundi, Rwanda iyo xulka koobka difaacanaya ee Uganda.

Ciyaarahaan oo socon doona 28-ka November ilaa 13-ka December ayaa waxay ka kala dhici doonaan magaalooyinka Nairobi iyo Mumias ee wadanka Kenya.

Madaxda Cecafa ayaa weli ku jira sidii ay u ruurin lahaayeen kharashaad dhaqaale oo ballan qaadyadooda ay heystaan, waxaana ilaa hadda hadda koontada CECAFA ku soo dhacday US$100,000, (Boqok kun oo dollar) oo ay ugu deeqday dowladda Kenya, hase weli waxaa la rajeynayaa lacago kale oo shirkadao aan magacooda la shaacin ay ballan qaadeen.

Faarax Blue

Nairobi Kenya.

fmcblue@hotmail.com


Written By: faaraxblue
Date Posted: 11/2/2009
Number of Views: 519

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use