|    Register
 
Friday, July 30, 2010
Article Details
Cayaartoydii hore ee kubadda cagta soomaaliyeed oo ku shiray London.

Xaflad si aad u heersaraysa loo soo agaasimay ayna ka soo qaybgaleen qaar badan oo ka mid ah cayaartoydii kubadda cagta dalkeena soomaaliya looguna gogol xaarayey kulan wayne ay yeeshaan cayaartoydii kubadda cagta ayaa caawa ka dhacday waqooyiga magaalada London.

Xafladdan oo ay soo qabanqaabiyeen isla markaana fidiyeen gogosha gogolxaarka shirwaynaha bahdan ayaa waxaa isugu yimid qaar ka mid ah dadkii sumcadda iyo maamuuska ku dhex lahaa bahda kubadda cagta isla markaana wali xubno firfircoon ka ah ka qaybqaadashada horumarinta kubadda cagta dalkeena gaar ahaan dhalinyarada soomaaliyeed eek u dhaqan dalkan ayadoo ay sidoo kalena goobjoog ahaayeen xubno marti ku ahaa kulankan oo ayagu ka kala yimid dalalka Canada iyo Sweden.

 

Furitaankii kulankan ayaa waxaa hadalo isugu jiray ulajeedada kulanka, waxyaabihii keenay in la isugu yeero bahdan iyo waliba faaiidooyinka laga dhaxli karo ka soo jeediyey Maxamuud Ismaaciil oo ka tirsanaan jiray kooxdii kubadda cagta ee Waxool isla markaana ah tifatiraha shabakaddan cayaaraha.com, asagoo si kooban uga faalooday sababihii dhaliyey in bahda waqooyiga London ay u qabanqaabiyaan kulankan iyo kuwa xigaba iyo muhiimadda ay leedahay isku keenida cayaartoydii hore oo ayagu bulshadan cayaaraha u ah lafdhabar.

Xaaji 016.jpg

 

Maxamuud Ismaaciil ayaa dhinaca kalena ku soo bandhigay warbixintan waxyaabaha hortaagan is araga iyo isku duubnida cayaartoydii hore iyo waliba sida ay lama huraanka u tahay in sare loo qaado magaca cayaartoydii hore oo u muuqda mid hoos loo eego isla markaana aan la siin mudnaanta ay ku dhexlahaan jireen bahda cayaaraha wuxuuna sidoo kale ka faalooday faaiidooyinka ay ka heli karaan wadajirka iyo isku duubnida asagoo intaasi ka dibna sidii caadada u ahayd bahda kubadda cagta ku wareejiyey hagitaanka kulanka cayaaryahankii ugu da’da waynaa cayaartoydan Axmed Nuur Sayga oo ka tirsanaan jiray kooxdii Jeenyo “LLPP”.

Xaaji 002.jpg

 

Axmed Nuur ayaa ugu horeyn sheegay sida uu ugu faraxsan yahay in uu arko intaan oo isku magac sheeganaysa isla markaana qaybo kala duwan oo bulshada ah la kala socday hadana isugu yimid in ay mideeyaan muruqooda iyo maskaxdooda. Axmed Nuur ayaa sheegay in kulamada noocaan ahi yihiin kuwa waqti hore looga baahnaa bahdan balse marnaba uusan oran karin waa la raagay loose baahan yahay waxqabad iyo horusocod asagoo carabka ku adkeeyey in uu hubo in ay meel sare gaarsiin karaan kubadda cagta dalka guud ahaan gaar ahaan dhalinyarada dalkan maadaama ay ayagu yihiin macalimiintii kooxaha isla markaana khibrad iyo waaya aragnimaba uga wanaagsan yihiin dadka kale.

Xaaji 007.jpg

 

Intaasi ka dib ayaa waxaa ayaguna goobta ka hadlay cayaartoydii hore kuwooda waawayn sida C/Qaadir “Biriq”, Maxamed Shidane, Saciid Cayrow, Xasan Xuseen, C/Laahi Muxiddiin, Daahir Gacameey, iyo Yaxye Islow waxayna dhamaantood hoosta ka xariiqeen muhiimada kulamada noocaan oo kale ahi u leeyihiin bahdan iyo sida ay ugu faraxsan yihiin in ay arkaan bahdii kubadda cagta oo u heelan midaynta waxqabadkooda maadaama ay saldhig ayagu u yihiin horumarka dhalinyarada soomaaliyeed ee qurbaha, waxayse dhamaantood kula dardaarmeen bahdan in aysan goobtaasi uga tagin waxa lagu wada hadlayo loona badalo waxqabad la taaban karo.

Xaaji 004.jpg

 

Waxaa ayagu siadaasoo kale ka hadlay goobtaasi inta badan cayaartoydii hore ee goobjooga ka ahayd kulankan ayadoo uu mid kastaaba kulankan ka soo jeediyey hadalo guubaabo iyo dhiirigelin u badnaa sidoo kalena aad looga dooday la iskuna waydaarsaday fikrado waxtar leh.

 

Guddoomiyihii hore ee ururka SEUKI ee dalka Sweden “sanadkii tagay” mudane Shiikh Mukhtaar Shuute oo asagu ka tirsanaan jiray cayaartoydii kubadda cagta dalka isla markaana marti ku ahaa kulankan ayaa sidoo kale kula dardaarmay bahdan in ay iska ilaaliyaan waxkasta oo khilaaf iyo iska horimaad u keeni kara isla markaana talooyin waxku ool ah ka soo jeediyey kulankan oo uu ku sheegay mid albaabo badan u furi doona bahdan uuna ka gaarsiin doono asxaabtooda Sweden waxyaabaha uu ku arkay kulankan.

Xaaji 013.jpg

 

Fikrado iyo dood aad u dheer oo la isku waydaarsaday halkaasi ka dib ayaa waxaa gabagabadii kulankan lagu doortay guddi ku meelgaar ah oo ayagu ka soo shaqeeya qabsoomidda kulan kan ka balaaran oo la isugu yeero bahwaynta kubadda cagta isla markaana lagu unko dalad ama urur mideeya bahdan mustaqbalkana ka shaqeeya horumarinta  dhalinyarada soomaaliyeed, u doodida xuquuqda iyo sharafta cayaartoydii hore meel kasta oo ay joogaan, dhawrista magaca cayaartoydii hore iyo waliba taakulaynta cayaartoydii hore ee dalka oo ku dhibaataysan gudaha dalkeena hooyo.

Xaaji 009.jpg

 

Casho, farxad iyo sawiro ka dib ayaa lagu balamay in kulanwaynaha cayaartoydii hore ee kubadda cagta la isugu yimaado maalinimada axadda ah ee 14 ka November 2009 isla maqaayadda Caynushamsi ee waqooyiga London saacaduna tahay 6 da fiidnimo.

Xaaji 010.jpg

 

Cayaartoydii ka soo qaybgashay kulankan iyo kooxaha ay u cayaari jireen ayaa kala ahaa sidan:

 

     Magac                                                                       Koox

 

  1. Axmed Nuur Maxamed Xaashi "Sayga"        LLPP
  2. Maxamed Faaqid Cali                                       LLPP
  3. Xasan C/Laahi Xasan                                       LLPP
  4. Shiikh Mukhtaar Shuute                                   LLPP
  5. Axmed CAbdulle Xirsi                                       LLPP
  6. Siciid Xuseen Cayrow                                       Horseed
  7. Axmed Maxamuud Baliile “Abaliisha”          Horseed
  8. Maxamed Shidane Buraale                             Horseed
  9. C/Laahi Muxiddiin                                             Horseed/Waxool
  10. Xasan Xuseen Wehliye                                    Wagad
  11. Yaxye Islow Mahadale                                     Wagad
  12. Baashi Muuse Cali                                             Wagad
  13. Xuseen Abanuur Abati                                      Wagad
  14. Daahir Cusmaan “D-Gacameey”                    Mogadishu
  15. Sakariya Maxamed Baliile                                Mogadishu
  16. C/Nuur Cali Rooble                                            Mogadishu
  17. Bile Cali                                                                Madbacadda
  18. C/Raxiin Cali Diiriye                                          Madbacadda
  19. C/Qaadir Maxamed Faarax “Biriq”                Batroolka
  20. Maxamed Axmed Daysane                              Batroolka
  21. Maxamuud Ismaaciil                                         Waxool
  22. Siciid Geeseey                                                    Waxool
  23. Saciid Axmed Kaytoon                                      Sancada
  24. Maxamed Cumar Calasow “Muftin”               Sancada

Xaaji 022.jpg

Cayaartoydii ka cudurdaartay kulankan dano khaas ah awgood isla markaana muujiyey taageeradooda ayaa waxaa ka mid ah:

 

1.    Muriidi Abanuur Abati                                            Madbacadda

2.    C/Laahi Cilmi Ereg “Xaaji”                                   LLPP

3.    Cumar Muuse Ismaaciil                                        Mogadishu

4.    Black                                                                        Wagad

5.    Muuse                                                                      Waxool

Xaaji 026.jpg

  


Written By: Mohamud
Date Posted: 11/1/2009
Number of Views: 957

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use