Weeraryahankan oo 14-jir ah ayaa safan doona kulankiisa ugu horeeya ee xulkiisa Scotland ay la yeelan doonaan dhigooda Cyprus, ciyaartaas oo ka tirsan is reerb-reerka koobka Uefa Under-17 Championship,
“Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan xirto maaliyadda xulka qaranka Scotland, sababtoo Scotland waa dalkeyga aan jeclahay ee aan ku faano” ayuu yiri Islam oo saxaafadda la hadlay markii uu soo gaaray warka sheegaya inuu xiran doono maaliyadda qaranka Scotland.
Tababare Ross Mattie ayaa sheega in ciyaaryahan Feruz uu aad u wanaagsan yahay, wuxuuna yiri “Waxaan Islam Feruz isha ku hayay ilaa kulankii ugu horeeyay ee u saftay da’yarta kooxdiisa Celtic, run ahaantiina waxaan ku qancay farsamadiisa iyo awiidiisa marka uu kubada ku helo wejiga hore ee shabaqa, inta badana waa dhaliyaa kubadaha uu xirfadeyto, waan la socdaa in saaxiibadiis kale ee xulka ay soo dhawey doonaan, sababtoo ah wuxuu shaqsiyan isku hibeeyay inuu yahay wiil Scottish ah oo xulkiisa guulo waaweyn la gaari kara”
Madax xiriirka K/cagta wadankd Scotland ninka la Gordon Smith ayaa soo dhaweeyay go’aanka tababare mathie ee ahaa in xulka Schotland uu ku soo daray wiilka SOomaaliga ah, wuxuuna yiri “Islam waa ciyaaryahan sharqsiyada wanaagsan leh, wuxuuna tusaale fiican u yahay shariciga cusub ee FIFA ee ah in ciyaaryahanka 5 sanadood joogay wadan, isla markaasna heysta baasaboorka wadanka uu u safan karo xulkiisa, waana soo dhaweynayaa ka mid noqoshadiisa xulka Scotland, sababatoo ah waa ciyaaryahan xirfad wanaagsan iyo shaqo badan leh”
Islam Feruz oo ah wiil Soomaalia ayaa 7 sano ka hor waxay deganaansho ka heleen dowlada Scotland isag, hooyadiis iyo laba gabdhood oo ka yar yar.
Faarax Blue
fmcblue@hotmail.com